Falanqeyn: Waxyaabaha horyaalla Xisbiga Jamhuuriga ee Mareykanka
Xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa ka laabtay laalidda aasaaska guddi cusub oo la socon lahaa awoodiisa.
Qorshaha oo sidoo kale ka careysiiyay Dimuquraadiga, ayaa dhaliyay dhalleeceyn kaga timi madaxweynaha la doortay ee Donald Trump.
Wuxuu sheegay inaysan arrintaasi ahayn mudnaanta koobaad.
Wuxuu tilmaamay in is bedelka canshuurta iyo caymiska caafimaadka ay yihiin walaaca koobaad ee Jamhuuriga.
Mid ka mid ah tiigsiyada koobaad ee Jamhuuriga ayaa ah inay racfaan ka qaataan shairciga caafimaadka ee loo yaqaano Obamacare.
Hadaba, Amiin Haruun waa qareen dhinaca sharciga ku taqasusay, wuxuu u waramay wariyaha BBC ee Mareykanka, Maxamed Xaaji Xuseenn shine, oo marka hore waydiiyay bal maxay yihiin ajandayaasha horyaala Congress ka Maraykanka gaar ahaan xisbiga aqlabiyada haysta ee jamhuuriga
