Askeri Israa'iili ah oo lagu oogay dacwad ku saabsan dilka qof Falastiini ah

Xigashada Sawirka, AFP
Maxkamad Militari oo Israa'iil ah ayaa la filayaa inay go'aan ka gaarto kiiska askeri lagu dacweeyay inuu si ula kac ah u dilay qof Falastiini oo dhaawac ahaa, kaas oo askeri kale mindi galiyay.
Elor Azaria, oo hadda 20 sano jir ah, wuxuu toogtay Cabdul Fatax al-Sharif, oo 21 sano jir ahaa. Wuxuu xabadda kaga dhuftay madaxa.
Arrintan ayaa bisihii Maarso ee sanadkii tagay ka dhacday deegaanka Hebron ee daanta Galbeed.
Dadka Israa'iil ayaa aragti ahaan ku kala duwan kiiskan lagu oogay askeriga.
Kuwa badan waxay ku doodayaan in askeriga lagu ciqaabo inuu ku xad gudbay xeerka anshaxa militariga. Halka kuwa kalena ay ku doodayaan in ficilkii uu sameeyay qiil loo hayo.
Toogashada ayaa dhacday xilli weerarro middiyo loo adeegsaday oo badan ay ka dhaceen Daanta Galbeed.
Kooxaha arrimaha xuquuqda aadanaha ka shaqeeya ee Falastiin iyo Israa'iil waxay sheegayaan inay iska cadahay in awood xad dhaaf ah ay ciidammada adeegsadeen.
Waxay askeriga ku eedeynayaan inuu fuliyay dil sharciga ka baxsan.
Sharif iyo Qofkale oo Falastiini ahaa, Ramzi Caziz al-Qasrawi, waxaa lagu eedeeyay inay askeri Israa'iili ah mindi galiyeen 24-kii Maarso.
Markaasi ka dib askarta waxay toogteen labaduba, Qasrawi ayaa isla goobta ku dhintay, Sharif na wuu dhaawacmay.
Muuqaal la baahiyay ayaa muujiyay Sharif oo nool. Askeriga lagu sheegay magaciisa Azaria, ayaa ka dib qorigiisa cabeystay wuxuuna toogtay Shariif.

Xigashada Sawirka, AFP
Muddo ka dib, Askeriga, Azaria, wuxuu maxkamadda militariga ee Israa'iil u sheegay in Shariif uu u dhowaa middida uu u adeegsaday weerarka.
Wuxuu intaas ku daray inuu ka baqay in wiilkaa Falastiiniga ahaa uu xirnaa jaakad qaraxda.
Balse, muuqaal kale ayaa muujiyay in middida la sheegay inuu Sharif watay ay u jirtay illaa hal mitir.
Sikastaba, baaritaanka militariga ayaa la sheegayaa in lagu ogaaday in ka hor intuusan xabadda furin Azaria, uu u sheegay saaxiibadiis in ninka dhaawaca ahaa uu "u qalmo inuu dhinto" maadaama uu middi ku duray saaxiibkiis.
Askerigan wuxuu wajihi karaa 20 sano oo xabsi ah, laakiin dad ku dhow maxkamadda waxay sheegayaan in afar illaa shan sano loo maleynaayo in lagu xukumidoono.












