Dadka haysto abaalmarinta Nobel oo ku baaqay difaaca muslimiinta Rohingya

Ugu yaraan 86 Rohingya ayaa la dilay, 34 kun oo kalena way ka qexeen howlgal ciidamada ay sameynayaan

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Ugu yaraan 86 Rohingya ayaa la dilay, 34 kun oo kalena way ka qexeen howlgal ciidamada ay sameynayaan

Dadka ku guuleystay abaalmarinta nabadda caalamiga ah ee Nobel peace prize oo gaaraya 11 qof ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobeey "inay soo afjarto dhibaatada" haysato muslimiinta Rohingya ee Myanmar.

Warqad ay soo saareen ayey ku cambaareeyeen hogaamiyaha dalkaasi ee Aung San Suu Kyi.

Warqad furan ayey kooxdan ku sheegeen in howlgalka dowladda ee ka dhanka ah bulsho "in uu dhallinkaro baab'inta qowmiyad dhan".

In kabadan 34 kun oo Rohingya ah ayaa ka qaxay howlgalka militariga ay ka wadaan gobolka Rakhine, sida ay UN sheegtay.

Muslimiinta Rohingya waxaa Myanmar looga arkaan dad si sharcidaro ah dalkaasi ku jooga

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Muslimiinta Rohingya waxaa Myanmar looga arkaan dad si sharcidaro ah dalkaasi ku jooga

Ms Suu Kyi, oo ah hogaamiyaha ruuxiga ee dalkaasi Myanmar, waxaa lagu eedeeyay inay ku guul dareysatay difaaca qowmiyadaha laga tirada badan yahay.

"Musiibo dhallin karta in qowmiyad la suuliyo, iyo dembiyo ka dhan ah aadanaha ayaa ka socdo dalka Myanmar," ayey sheegeen kooxda warka soo saartay.

Waxaa ka mid ah dadkan, baadariga reer Koofur Afrika, Desmond Tutu iyo gabadha Pakistan u dhalatay ee Malala Yousafzai.

Waxay warqadda u direen golaha amniga ee Qaramada Midoobeey.

"Haddii aan ku guul dareysano inaan tallaabo qaadno, dadka waxay u dhammaan doonaan gaajo, haddii xabadda ay ka badbaadaan", ayey ku xuseen warkooda.

Kumannaan ka mid ah Rohingya ayaa ku nool dalalka deriska la ah Myanmar

Xigashada Sawirka, MUNIR UZ ZAMAN/AFP

Qoraalka sawirka, Kumannaan ka mid ah Rohingya ayaa ku nool dalalka deriska la ah Myanmar

Dad badan oo isugu jira, nabad-doonayaal, siyaasiyiin, Deeqsiyaal, iyo dad arrimaha aadanaha u ololeeya ayaa sheegay inay "ku wareersan yihiin" Ms Suu Kyi, oo horey ugu guuleysatay abaalmarinta nabadda.

Waxay sheegayaan inaysan fahmin "sababta aysan u qaadin tallaabo ay ku xaqiijineyso in xuquuq siman ay helaan muslimiinta Rohingya".

Ugu yaraan 86 qof ayaa ku dhimatay howlgal ay ciidamada ka wadaan gobolka Rakhina.

Howlgalkaasi wuxuu bilowday ka dib markii maleeshiyaad hubeysan ay weerareen xarun boolis oo ku taalla xuduudda Maungdaw, ayna ku dileen 9 askeri.

Aung San Suu Kyi waxaa lagu eedeynayaa inay ku fashilantay badbaadinda dadka Rohingya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Aung San Suu Kyi waxaa lagu eedeynayaa inay ku fashilantay badbaadinda dadka Rohingya

Horraantii bishan, Qaramada Midoobeey ayaa dowladda Myanmar ku eedeysay inay si xun ula dhaqanto shucuubta muslimiinta ee Rohingya.

Dowladda Myanmar waxay sheegtay inay fulineyso howlgal ka dhan ah wax ay ugu yeertay argagixiso, waxayna beenisay wararka sheegaya in dilalka iyo xadgudubyada kale la geystay.

Inta badan Rohingya ha ka qaxay Myanmar waxay u tallaabeen dhanka dalka Bangladesh.

Dhowaantan waxaa dalka Malaysia ka dhacay dibad bax ka dhan ah dhibaatada la sheegay in lagu hayo Rohingya.

Daawo dibad baxaasi:

Qoraalka Muuqaalka, Dibad bax ka dhan ah dhibka haysto Ronhingya

Jimcihii, wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Myanmar, Kyaw Zaya, wuxuu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay inay aqoonsadeen 2,415 qof oo muwaadiniintooda ah oo ku sugan Bangladesh.

Wuxuu tilmaamay inay dadkaasi ugu baaqayaan inay dalkooda ku noqdaan, lana soo dhoweyn doono.