Amniga magaalooyiinka dalalka reer galbeedka oo la adkeeyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Amniga magaalooyiinka waaweyn ee dalalka Reer galbeedka ayaa aad loo adkeeyay ka hor munaasabadaha sanadka cusub.
Arrintan ayaa sabab u ah weerarkii gaariga xamuulka loo adeegsaday ee lagu qaaday Berlin, kaas oo 12 qof ay ku dhinteen.
Kumannaan ciidamo dheeraad ah ayaa ku sugnaanaya meel kastaa shacab ay isugu soo bixi doonaan.
Waxay tallaabo ka qaadi doonaan, waxkastoo looga shakiyo argagixiso, sida ay saraakiisha dalalkaasi sheegayaan.
Magaalooyiinka amnigooda la adkeeyay waxaa ka mid ah, London, Berlin, Brussels iyo Sydney.
Si looga hortago weerarada gawaarida loo adeegsado, waxaa la sameeyay jid-gooyooyiin waaweyn.
Wadooyiinka qaar waxaa la dhigayaa qalab culus oo gawaarida aysan ka gudbi karin.
Bartamaha Paris oo ay isugu tagi doonaan kumannaan qof oo dabaaldegaya, waxaa la xirayaa dhammaan meelaha laga galo, sida laamaha amniga ay sheegayaan.
Amniga magaalooyiinka Madrid iyo New York ayaa sidoo kale la adkeyn doonaa.
Meelaha qaar waxaa la joojiyay qarxinta baaruudda la adeegsado xilliyada dabaaldegyada.










