Dawladda iyo Al Shabaab oo ku diriray Afgooye
Shalay galinkii dambe ayaa dagaal wuxuu gudaha degmada Afgooye ku dhex maray ciidanka dawladda Soomaaliya iyo ururka Al Shabaab.
Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya tirada dhimashada iyo dhaawaca, laakin maamulka dawladda ee degmada ayaa sheegaya in ay jab gaarsiiyeen Al Shabaab.
Guddoomiyaha degmada Afgooye, Ibraahim Aadan Cali (Najax) ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale uga warramay dagaalka dhex maray iyaga iyo Al Shabaab.