Wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo

Qoraalka Codka, Wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo

Wadahadal Somaliland iyo Khaatumo uga socday magaalada Addisababa, ayaa waxaa ka soo baxay 11 qodob, oo ay ugu muhiimsan tahay in nabada la xoojinayo iyo arrimaha horumarka.

Cabdiraxmaan Bidhaan, ayaa arrintaasi ka wareystay masuuliyiinta labada dhinac ku mataleysa wadahadalka Addis Ababa.

Wuxuu la hadlay Dr Sacad Cali Shire, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland iyo Maxamuud Sheekh Cumar, gudoomiyaha golaha Khaatumo, Cabdiraxamaan Bidhaan Xaaji Daahir.