Turkiga oo sheegay in 14 askeri looga dilay Suuriya

Ciidamada Turkiga Waxay dagaal kula jiraan Daacish

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Ciidamada Turkiga Waxay dagaal kula jiraan Daacish

Ciidamada dalka Turkiga waxay sheegayaan in 14 askeri looga dilay dagaal ay la galeen ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Dagaalka ayey sheegeen inuu ka dhacay meel u dhow magaalada Al-Bab ee dalka Suuriya, halkaas oo daacish ay maamusho.

Waxaa loo maleynayaa inay tahay tiradii ugu badneyd ee Turkiga hal maalin uga dhimatay dagaalka uu daacish kula jiro.

Xukuumadda Ankara ayaa gudaha u gashay dalka Suuriya bishii Augusta ee sanadkan.

Ciidamada waxay sheegayaan in inkabadan 130 mintidiin ah lagu dilay dagaalkaasi.

Magaalada lagu dagaallamay oo qiyaastii 20km u jirta xuduudda Turkiga, wuxuu duullaan ku socdaa seddax bilood.

Ciidamada Turkiga waxay caawinayaan mucaaradka Suuriya, si ay daacish halkaas uga saaraan.