Safiirka Ruushka Andrei Karlov ayaa toogasho lagu dilay magaalada Ankara

Andrei Karlov

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Andrei Karlov ayaa booqanayay matxafka farshaxan ee Ankara

Safiirka Ruushka ee Turkiga, ayaa nin hubaysan uu ku toogtay magaalo madaxda Turkiga ee Ankara, isagoo booqanaya matxaf sawirro lagu soo bandhigay.

Dhowr qofood oo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhaawacmeen weerarka, maalin kadib markii uu dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo faragalinta Ruushka ee dagaalka Shiinaha.

Sida uu sheegay TV Ruush ah, safiirka ayaa booqanayay madxaf lagu soo bandhigay sawirro oo la magac baxay "Ruushka sida ay u arkaan Turkiga".

Wararka ayaa sheegaya ninka hubaysan in boliiska ay dileen.

Video laga duubayay munaasabada ayaa muujinaya Mr Karlov oo jeedinaya qudbo markii ay xabada dhacaysay.

Ninka weerarka qaaday a

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Ninka weerarka qaaday ayaa ku qayliyay magaalada Xalab ee Suuriya
Dadkiijoogay madxafka

Xigashada Sawirka, BURHAN OZBILICI

Qoraalka sawirka, Dadka ayaa meel isugu tagay markii ay xabadaha dhaceen
Boliiska Turkiga

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Boliiska ayaa sugay goobta weerarka kadib