Dhageyso: Masiixiyiinta caba caanaha geela

Qoraalka Codka, Dhageyso: Masiixiyiinta caba caanaha geela

Caanaha geela waxaa ka mid ah bulshada caanka ku ah soomalida oo isir ahaan geela waqti dheer soo dhaqan jiray.

Waayadan dambe waxaa isticmaalka caanaha geela soo baranayay bulshooyin aan soomali ahayd oo dalkan Kenya ku dhaqan.

Axmed Xaaji Adan oo dhowaan booqday gobolka xeebta ee kenya ayaa tagay dhul geela si weyn loogu dhaqdo warkan ayuuna ka diyaariyay.