Xaaladii ugu dambeeysay ee Abaaraha Soomaaliya

Qoraalka Codka, Wa sidee xaaladihii ugu dambeeyay ee Abaaraha Soomaaliya?

Bilihii ugu dambeeyay abaaro ba'an ayaa waxa ay halakeeyeen qeyba badan oo ka mid ah Soomaaliya.

Abaarahaasi ayaa sameeyay dad iyo dunyaba, hasayeeshee meelaha qaar ayaa laga soo sheegayaa in ay raxmaddii Alle ka da'day.

Dhanka kalana Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay ku qiyaasaysaa in shan milyan oo qof ay u baahan yihiin cuno gargaar ah.

Haddaba xaaladihii ugu dambeeyay ee abaaraha Soomaaliya ayaa waxaannu ka wareysannay Faaduma Jibriil oo ah aasaasaha iyo madax hay'adda gargaarka ee ADESO, waxa ay u warrantay weriyaha BBC-da Maxamuud Cali Maxamed.