Xaawa Aadan oo ka hadashay waxbarashada gabdhaha
Xaawo Aadan ayaa wax ka aasaastay Xarunta Waxbarashada iyo Horumarinta Nabadda ee Galkayo, ee (GECPD). Xarunta ayaa bixisa waxbarasho iyo tababaro dadka waawayn iyadoo xooga la saarayo dumarka.
Xaawo waxay ku guulaysatay bilada Nansen, ee ay bixiso hayadda Qaramada Midoobay ee qaxootiga ee UNHCR iyo bilado kale oo ay ku heshay shaqooyinka badan ee ay u qabatay bulshada.
Kati Isse, ayay uga warantay waxa ay ka qabatay waxbarashada gabdhaha, iyadoo ku bilaabaysa barnaamishyo hada socda oo looga hadlayo dumarka.