Sawirrada Noloshii Fidel Castro

Sawirada Fidel Castro, kacaankii la wareegay Cuba ee xukumayay ku dhowaad 50ka sano.

Qoraalkan ayaa tilmaamaya Fidel Castor oo 1945tii aqrinaya buugga schoolka: Wuxuu ahaa arday muuqda oo ciyaaraha fudud ku fician. Wuxuu barandoonaa qeynuunka, shakina kama qabno inuu mustaqbal fiican yeelan doono

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Fidel Castro oo uu dhalay maalqabeen warshad sokorta sameysa lahaa ayaa dhashay 1926-kii. Isagoo nin yar ah ayuu siyaasadda kacaanka qaatay.
Hoggaamiyihii kacaanka Cuba ayaa kula hadlay taageerayaasha 8-dii Jan 1959, saldhigga militeriga Batista ee Columbia, oo hadda loo yaqaan Ciudad Libertad

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Kaddib labo sano oo loo xiray isku day afgambi ee dhicisoobay ayuu Mexico aaday. Wuxuu wadanka ku soo laabtay 1956-dii, isagoo bilaabay dhaqdhaqaaqii kacaanka. Ugu dambeyn Castro wuxuu qabsaday xukunka Cuba maalintii ugu horeysay 1959-kii kaddib markii uu afgambiyay Fulgencio Batista.
Fidel Castro ayaa ka soo baxay Tangi markii uu yimid Ciron, Cuba

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, 1961-dii ayey ciidamada Castro ka hortageen 1,500 oo Cuban dibad joog ahaa, waxayna dibad-joogga taageero ka helayeen CIA oo soo dagtay Bay Of Pigs, si ay dowaldiisa u afgambiyaan.
Madaxweyne John Kennedy oo si weyn u xiray saldhigii sawaariiqda ee Cuba 1-dii november 1962dii.

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Culeyskii ugu weynaa waxa uu Castro la kulmay 1962-dii, markaasi uu madaxweyne Kennedy faray inuu sawaariiqdii Soviet ka bixiyo Cuba.
Sawirkan oo la qaaday May 1963-dii ayuu Fidel Castro gacanqaadayaa hoggaamiyihii Sovietka Nikit Khrushchev, mar uu booqasho rasmi ah ku tagay Moscow

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Ugu dambeyn, hoggaamiyihii Soveit-ka Khrushchev iyo Castro waa qaadeen sawaariiqda, waxaana qaboobay hanjabaadii nuklerka
Fidel Castro oo sita usha ciyaarta baseball-ka ee lagu qabtay dugsiga macalimiinta ee Sierra Maestra ee Cuba.

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Fidel Castro si gaar ah ayuu u jeclaa ciyaarta baseball-ka. Waxaa halkan idinkaga muuqda isagoo ku dheelaya dugsiga macalimiinta ee Sierra Maestra sanadkii 1962-dii.
Madaxweynaha Cuba Fidel Castro oo ka hadlaya ururka shaqaalaha Cuba CTC, 28 Janaayo 1990 ee ka dhacay Havana.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Cuban badan oo dhexdhexaad ah, ayaa u arka hoggaamiye dadka cadaadiya.
Doonyaha Cuba oo ka tagaya xeebta Havana

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Kumanyaal ayaa dalka ka orday oo Mareykanka tagay
Castro oo xafiiskiisa Havana fadhiya, isagoo daawanaya sawiradii kacdoonkii 1959kii.; Xuquuqda Burt Glinn / Magnum Photos

Xigashada Sawirka, Other

Qoraalka sawirka, Fidel Castro ayaa taageero ku filan ka helay dadka si uu u noqday mid ka mid ah hoggaamiyayasha ugu waqtiga dheeraa dunida.
Hoggaamiyihii hore ee Cuba Fidel Castro oo dhageysanaya walaalkii madaxweynaha Cuba Raul Castro iyo madaxweynaha Venezuela Hugo Chavez, magaalada Havana, 18 Juun 2008.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Kaddib markii lagu sameeyay qaliin xiidmaha 2006-dii, ayuu awoodii joogtada aheyd ku wareejiyay walaalkii Raul. Wixii markaas ka dambeeyay wuxuu soo bandhigi jiray oo kaliya muuqaalo la duubay, ka hor intuusan ka dagin xilka February 2008dii.
Madaxweynihii hore ee Cuba Fidel Castro ayaa qudbad ka jeediyay Jaamacadda Havana 3dii September 2010kii.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Bishii September 2010kii ayuu Fidel Castro ka hadlay markii ugu horeysay 4 sano isu soobax. Qudbadiisa ayaa aheyd tii ugu horeysay ee lagu arko ilaa markii uu dib u soo muuqday Julay 2010kii qaliinka kaddib. Dhalashadiisa 90-aad ee Agosto ayey aheyd markii ugu dambeysay ee la arkay.