Soomaaliya oo deeqaha waxbarasho kala hadlaysa Ruushka

Qoraalka Codka, Safiirka oo warqadihii aqoonsiga guddoonsiinaya Putin

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Moosko, Cabdullahi Maxamuud Warsame, ayaa sheegay in uu madaxda dalkaasi ka codsaday in ay dalkiisa gacan ka siiyaan waxbarashada, iyo sare u qaadidda tirada ardayda ay siiyaan deeqaha waxbarasho.

Safiirka ayaa dhawaan warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay madaxweyne Vladimir Putin.

Danjire Cabdullahi Maxamuud Warsame ayaa khadka telefoonka ugu warramay weriyaha BBC Maxamed Cabdiraxmaan, oo marka hore wax ka weydiiyay kulankii uu la yeeshay Putin.