Dubai oo la doonayo in laga hirgaliyo tareenada dhaqsaha badan

Xigashada Sawirka, Twitter
Shirkadda Hyperloop One, oo doonaysa inay samayso tareenka dhaqsaha badan ayaa ku dhawaaqday in tareenadeeda ugu horeeya ay isku xirayaan Dubai iyo Abu Dhabi.
Video ay soo bandhigtay, ayay ku sheegtay in safarka uu qaadan doono 12 daqiiqadood labada magaalo.
Teknoolajiyada ayaa wali la tijaabinayaa marka lama hayo faahfaahin dheeraad ah.
Marka hore, waxaa la darsi doonaa in la dhiso jid isku xira labada magaalo.

Xigashada Sawirka, Hyperloop One
Waqtiga loo safro Dubai iyo Abu Dhabi ayaa hadda qaata hal saac ama wax ka badan.
Sidoo kale waxay ku talinayaan in habkan uu yaraynayo waqtiga la isugu socdo Dubai iyo Riyadh oo noqonaya 48 daqiiqadood. Dubai iyo Dooxa wuxuu ka dhigi doonaa 23 daqiiqadood.






