Macnaha ay leedahay isku shaandheynta golaha wasiirada Itoobiya
Ra'iisal wasaaraha Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa shalay shaqada ka saaray dhowr ka mid ah xulafadiisa ugu muhiimsan ee golaha dowladda, kadib dibadbaxyo siyaasadeesan oo dalkaa ka dhacay markaa kadibna dalka oo dhan waxa lagu soo rogay xaalada degdeg ah.
Waa markii ugu horeysay oo lagu daro gollaha wasiirada dad aanan u dhalan qabiilka Tigreega oo u badnaa xisbiga tallada dalkaasi haya ee midowga EPRDF.
Haddaba isku shaandheyntan lagu sameeyay gollaha wasiirada wax maka badali karaa xiisadda siyaasdeed ee ka taagan dalkaasi.
Sidoo kale Itoobiya ma waxay u jiheysatay dhanka dimuquraadiyadda.
Su'aalahaas iyo kuwa kale ayaan hor-dhigay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faallooda arrimaha Afrika.
Waxa uu u warramay Axmed Xaji Xasan