Saxmadda wadooyinka Hargeysa oo sii kordhaysa

Qoraalka Codka, Saxmadda wadooyinka Hargeysa oo sii kordhaysa

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka taagan saxmad gaadiidka ah, taasoo mararka qaar kalifta in meeshii daqiiqado loo socon jiray saacad ama ka badan loo socdo.

Dadka qaar ayaa arrinkaasi u aaneynaya darawalo aan si wanaagsan u aqoon wadida gawaarida iyo weliba tagaasi si aan sax ahayn wadooyinka u adeegsada.

Weriyaha BBC ayaa xilli ay saxmad badan jirtay booqday jidka bartamaha Hargeysa, warbixintan ayuuna ka soo diray.