Isku dhacyo rabshado wata oo u dhaxeeya ardayda Jaamacadaha iyo booliska Koonfur Afrika

Qoraalka Codka, Ardayda Jaamacadaha Koonfur Afrika oo dibadbaxyo sameynaya

Ismari waa u dhaxeeya arday mudaaharadaysa iyo booliska Koofur Afrika ayaa la filayaa inuu maanta sii socdo, iyadoo jaamacaduhuna ay isku dayayaan inay dhamaystiraan todobaadyadii ugu dambeeyey ee sannad-jaamacadeedka.

Banaanbaxayaasha ayaa dalbanaya tacliin bilaash ah, markii ay mudaaharaadyadu ka dheceen magaalada Jo'burg-na dalka oo dhan ayey ku sii fideen.

Cabdifitaax Sheekh Maxamed Xikam oo PHD ku diyaarinaya mid ka mid ah Jaamacadaha South Afrika ayaa banaanbaxyadaas uga warramay weriyaha BBCda Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.