Xaaladda Cudurrada dhimirka ee Soomaaliya
Maanta waxa ay ku beegantahay 10 October, waana maalinta loo asteeyay cudurada ku dhaca dhimirka. Sanadkan waxa halkudhig looga dhigay gargaarka maskaxeed ee uu u baahanyahay qofka xanuunsanaya iyo taageerada bulshada ee dhibanayaasha cudurku hayo.
Soomaaliya xaaladda cudurka xog dhab ah lagama hayo, waxayse dhakhaatiirtu leeyihiin waxa sii badanaya dadka ay soo ridanayaan cudurada ku dhaca dhimirka.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa warbixintan ku eegaya xaaladda cudurkan ee Soomaaliya.