Dood: Doorashooyinka la kala qaaday ee Somaliland

Qoraalka Codka, Dood ayaa ka taagan dib u dhigga doorashada baarlamaanka Somaliland, arrintaasoo ay isku r

Dood ayaa ka taagan dib u dhigga doorashada baarlamaanka Somaliland, arrintaasoo ay isku raaceen madaxweynaha iyo baarlamaankuba, iyadoo doorashada madaxtooyadu ay ku qabsoomeyso sidii loogu talo galay bisha March 2017.

Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa ka soo horjeeda kala qaadista labada doorasho iyadoo xisbiyada Kulmiye iyo UCID ay taageereen.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa dooddan gaaban dhex dhigay xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo ka tirsan Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xildhibaan Saciid Warsame Ismaaciil oo ka tirsan Xisbiga mucaaridka ah ee waddani, waxaana hadalka ku horraynaya Xildhibaan Axmed-yaasiin.