Safiirka UK u fadhiya Sacuudiga oo Xajiyay

Xigashada Sawirka, @fawziah1
Safiirka dalka Britain u fadhiya Sacuudi Carabiya oo Islaamay ayaa ka mid noqday xujayda acmaasha xajka gutay sanadkan
Simon Collis waxaa Xajka ku wehelisay xaaskiisa Huda Mujarkech.
Lixdan jirkaas ayaa noqonaya safiirkii u horeeyay ee UK u dhashay ee acmaasha Xajka guta.
Collins ayaa la soo sawiray isaga oo qaba labada go' ee cadcad ee ay xujayda astaanta u ah.
Sawirkan waxaa markii hore Twitterkeeda soo dhigtay Fawziah Albakr oo ah gabadh Sacuudiyaan ah oo qoraa ah arrimaha haweenkana u dhaqdhaqaaqda.

Xigashada Sawirka, @fawziah1
Collins ayaa Twitterka ugu mahad celiyay dadka wanaaga u rajeeyay wuxuuna sheegay in uu Muslimay ka hor inta uusan guursanin xaaskiisa
Wuxuuna intaas ku daray "hadalka oo kooban waan Muslimay kaddib soddon sano oon bulsho Muslim ah ku dhex noolaa ka hor inta aanan guursanin Huda".
Dublamaasigan Britishka ah ayaa danjire ka ahaa Sacuudiga tan iyo 2015-kii
Wasaaradda arrimaha dibaddana jagooyin badan ayuu ka soo qabtay isaga oo safiirro ka soo noqday Ciraaq, Suuriya, iyo Qadar.
Collis waxaa kale oo uu qunsul guud ka soo noqday Dubai iyo Basra, wuxuu sidoo kale ka soo shaqeeyay Tunis, New Delhi iyo Camaan.

Xigashada Sawirka, @fawziah1
Sanadkii 2012 wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ka soo saartay Suuriya kaddib markii walaac laga muujiyay ammaankiisa, wuxuuna dawladda Assad si cad ugu dhaliilay doorka ay ku leedahay colaada sokeeye.










