Mudaaharaad ka socda Faransiiska oo qaxooti lagu diidan yahay

Darawalada gawaarida xamuulka ah ayaa isku dayaya in ay xiraan gabi ahaanba wadooyinka magaalada Calais

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Darawalada gawaarida xamuulka ah ayaa isku dayaya in ay xiraan gabi ahaanba wadooyinka magaalada Calais

Kumanaan dad ah ayaa mudaaharaad ka dhigaya magaalada Calais ee dalka Faransiiska iyaga oo dalbanaya in la xiro xero qaxooti oo loo yaqaano Jungle.

Dadkaasi waxay qorshaynayaan in ay xiraan wadooyinka waawayn, ayna isku aruursadaan wadada aada dekedda.

In kabadan 7,000 oo ruux ayaa hadda ku nool xeradaas iyada oo xaaladoodu liidato, badankooduna waxay isku dayayaan in ay ku boodaan gawaarida waawayn ee xamuulka si ay u gaaraan dalka Britain.

Dadka mudaaharaadaya waxay sheegayaan in xeradaasi ay wax u dhimayso magaalada ayna carqaladaynayso hawlaha dekedda. Arrintan ayaana noqon doonta mudaaharaadkii ugu waynaa ee dadka deegaanku ay kaga soo horjeedaan xeradaas qaxootiga.

Boqolaal dad ah ayaa iyaga wadada xiray

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Boqolaal dad ah ayaa iyaga wadada xiray
Tractors blockade a road near Calais (05 September 2016)

Xigashada Sawirka, PA

Qoraalka sawirka, Beeralayda ayaa iyagana ka qaybqaadanaya mudaaharaadka
Mudaaharaadayaasha ayaa maraya wadooyinka gawaarida

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Mudaaharaadayaasha ayaa maraya wadooyinka gawaarida
Darawalada gawaarida xamuulka ah ayaa mudaaharaadka ku bilaabay in ay tartiib u wadaan gawaarida

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Darawalada gawaarida xamuulka ah ayaa mudaaharaadka ku bilaabay in ay tartiib u wadaan gawaarida

Duqa magaalada Calais, Natacha Bouchart ayaa sheegtay in ay qorshaynayso in ay ku biirto mudaaharaadka iyada oo sheegtay in xaaladda xeradaasi ay noqonayso mid aan loo adkaysan karin.

Dadka ku nool xeradaasi intooda badan waxay ka soo kala jeedaan Bariga Dhexe, Afghanistan iyo Afrika waxayna rajaynayaan in ay ka sii gudbaan iyaga oo isku dayaya in ay si sharci darro ah kaga baxaan iyaga oo adeegsanaya dadka wax tahriibiya.

Aerial view of the Jungle - 16 August

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, More than 7,000 people currently live in the Jungle