Abu Sayyaf oo lagu eedeeyay Qaraxa bamka ee Philippines

Qaraabada dadka ku waxyeeloobay bamka

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Philippine waxay caan ku tahay ka ganacsiga daroogada iyo weerarada ay gaystaan dadka gooni ugoosadka raba

Malayshiyada Abu Sayyaf ayaa ka dambaysay weerarkii bamka loo adeegsaday ee ka dhacay magaalada uu ka soo jeedo madaxwaynaha dalka Philippine, Duterte kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 14 ruux, sida ay dawladdu sheegtay.

Dad badan oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo ka dhacay suuq ku yaala magaalada koonfurta ku taala ee Davao.

Duterte oo marka uu qaraxu ka dhacayay ku sugnaa magaalada Davao balse aan ka agdhawayn suuqa ayaa ku dhawaaqay "xaalad dagdag ah" qaraxa kaddib.

Arrintaasi waxay millatariga u ogolaanaysaa in ay magaalooyinka dhex joogaan si ay booliiska gacan u siiyaan.

Xoghayaha difaaca qaranka Delfin Lorenzana ayaa sheegay in Abu Sayyaf ay doonayso in ay doonayso in ay aargoosato maadaama oo aad loogu jabiyay jasiiradda Jolo oo 900 mitir u jirta magaalada Davao

Lorenzana war qoraal ah oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in arrintanla sii saadaaliyay ciidammadana looga digay laakiin cadawgu ay ka faaiidaysanayaan dimuqraadiyadda uu dastuurka dalku siiyay, taas oo uu sheegay in ay argagxisada u sahashay in ay dalka isaga kala gooshaan.

President Rodrigo Duterte (centre, in blue) visiting injured victims of a bomb blast

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Madaxwayne Rodrigo Duterte (dhexda, funaanada buluuga ah qaba) ayaa booqday dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay bamka
Khariirad
Askarta khaaska ah ee Swat loo soo gaabiyo ayaa gaafwareegaya magaalada Manila

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Askarta khaaska ah ee Swat loo soo gaabiyo ayaa gaafwareegaya magaalada Manila
Aaad ayaa loo sugayaa amaanka Magaalada Davao

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Aaad ayaa loo sugayaa amaanka Magaalada Davao
Booliiska oo aruurinaya cadawmaha qaraxa

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Booliiska oo aruurinaya cadawmaha qaraxa