Wareysi: lamaane ka hadlaya nolosha guurka

Qoraalka Codka, Wareysi lamaane ka hadlayo nolasha guurka

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda bandhiga caalamiga ah ee buugaagta, waxaana bar bar socda doodo iyo tababaro ku saabsan dhaqanka iyo suugaanta.

Dadka sanadkan lagu martiqaaday bandhigaasi waxaa ka mid ah labada tababare ee isu dhaxay ee la kala yiraahdo Axmed Bilaal iyo Hibo Cumar oo ka yimid dalka Britain. Waxa ay casharro ku saabsan guurka iyo sida lamaanaha is doonaya ay farxad ugu wada noolaan lahaayeen ka soo jeedinayaan isu imaatinkaasi sanadkiiba mar la qabto.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa la sheekeystay labadaasi lamaane.