Jarmalka oo xiray nin lagu tuhinsan yahay inuu qorshaynayay weerar

Ciidamada Jarmalka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada Jarmalka

Boliiska Jarmalka ayaa sheegay, inay xireen nin looaga shakisan yahay inuu qorsheeynayay weerar bomb inuu ku qaado bandhig dadweyne magaalada Eisenhuettenstadt.

Afhayeenka ayaa sheegay in qofka la xiray inuu yahay laba iyo toddobaatan jir oo ku xirnaa kooxaha islaamiga. Waxaa la xiray ka dib markii waxyaalaha qarxa laga helay gurigiisa.

Ammaanka ayaa la adkeeyay waddanka oo dhan ka dib markii weeraro ay qaadeen islaamiyiin ay ka dheceen Jarmalka bishii hore.