Canab Maxamed Daahir ayaa doonaysa inay u tartanto doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Qoraalka Codka, Canab Maxamed Dahir ayaa doonaysa inay u tartanto xilka madaxweynaha Soomaaliya

Sida qorshuhu yahay Soomaaliya waxay galeysaa sanadkan doorasho xubnaha baarlamaanka iyo madaxweynaha, taasi oo lagu wado inay dhacaan bilaha soo socda.

Markii ugu horreysay waxaa xilka ugu sareeya ee madaxweynaha u tartamaya haween Soomaaliyeed, oo rajo ka qaba inay hoggaamiyaan dalka.

Gabdhaha tartamaya waxaa ka mid ah Canab Maxamed Daahir, oo madax ka ah xisbiga shacabka - haddaba Cabdiraxmaan Bidhaan oo telefonka ku wareystay Canab iyada oo joogta magaalada Muqdisho ayaa waxa uu weydiiyay waxa ku kalifay inay u tartanto xilka madaxweynaha.