Turkiga iyo Ruushka oo heshiisyo kala saxiixday

Xigashada Sawirka, EPA
Madaxweyneyaasha Ruushka iyo Turkiga ayaa billaabay wadahadalo iyo heshiisyo ay isugu soo dhowaanayaan.
Labada madaxweyne oo kulmay ayaa sheegay in labada dal ay furayaan baal cusub oo taariikhi ah.
Ruushka iyo Turkiga xiriirkoodu ma fiicnayn illaa sanadkii hore bishii November xilligaasi oo Ruushka laga soo riday diyaarad kuwa dagaalka ah.
Madaxweyne Erdogan oo booqanaya dalka Ruushka ayaa dhigiisa Vladamir Putin la saxiixday heshiisyo dhowr ah.
Isu soo dhowaanshanai ayaa reer galbeedka ay aad u eegayaan.
Erdogan ayaa sheegay in xiriirka labadan dal uu hadda ka wanaagsan yahay sidii horay uu u ahaan jiray.
Mr Putin ayaa isna dhankiisa sheegay in kulankii ay wada yeesheen uu miro dhalay ayna ka wada hadleen arrimo badan oo muhiim.






