Baarlamaanka Somaliland oo ansixiyey heshiiska dekedda Berbera

Qoraalka Codka, Baarlamaanka Somaliland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiis hordhac ah

Baarlamaanka Somaliland ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay heshiis hordhac ah oo ku saabsan maalgashiga dekeda berbera kaasoo dhex maray xukuumadda iyo sharikadda DP World.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige oo goob joog u ahaa fadhigaasi ayaa warbixintan nooga soo diray, isagoo ku bilaabaya gudoomiyaha baarlamaanka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi CIRRO oo ku dhawaaqaya sida codka mudanayaashu u dhacay, ka dibna faahfaahinaya qodobada ugu muhiimsan heshiiskan hordhaca ah.