Garab ka tirsan Shabaab oo Daacish ku biiray
Garab ka tirsan kooxda mayalka adag ee Soomaaliya, Al-Shabaab, ayaa ku dhawaaqay inay daacad u noqonayaan kooxda isku magacwday Dawladda Islaamiga taasoo ka dhigaysa kooxdan tii ugu horreysay ee Soomaaliya ka socota ee si cad u sheegta inay sidaas sameynayaan.
Garabkan waxaa saldhigiisu yahay buuraha Galgala ee maamul-goboleedka Puntland ee woqooyi bari Soomaaliya, waxaana madax u ah Sheekh Cabdiqaadir Muumin.
Haddaba in qeyb kamid ah Alshabaab ay yiraahdaan waxaan ku birayna kooxda 'Daacish' ma loo arki karaa in Al Shabab ay kala jabtay, weriyaha BBc-da Ciissa Xaaji Cabdille ayaa su'aashaas iyo kuwa kale weydiyay Dr Cabdiwahab Sh. Cabdisamad oo ka faallooda arrimaha ammniga geeska Afrika.