Ganacsiga Soomaalida ee xudduuda Kenya iyo Uganda

Deegaanada iyo magaalooyinka ku teedsan xuduudaha u dhaxeeya Kenya iyo Uganda ayaa waxaa ku soo badanaya ganacsato Soomalida ah.

Dhallinyaro badan oo Soomaali ah ayaa ganacsiyo kala duwan ka sameystay magaalooyinka saran xudduudaha.

Soomaalidii ugu horreysay ayaa halkaasi tagay ku dhowaad 40 sano ka hor oo illaa iyo hadda ka shaqeysta.

Axmed Xaji xasan, oo dhowaan booqday magaalooyinka Busia iyo Kisumu ee dalka Kenya ayaa ka waramaya.