Sawirro: Aftida loo qaaday madaxbanaanida Scotland
Aftida loo qaaday madaxbanaanida Scotland
Qoraalka sawirka, Codbixiyayaasha Scotland ayaa u codeeyay inay ka sii mid ahaanayaan Britain iyo in kale, iyadoo boqolkiiba 97 ay codkooda dhiibteen.
Qoraalka sawirka, Wasiirka koobaad ee Scotland, oo hoggaaminayay ololaha "HAA" ee doonayay inay ka go'aan Britan wax yar ka hor inta uusan dhiiban codkiisa.
Qoraalka sawirka, Dadka ayaa si weyn u sugayay natiijada.
Qoraalka sawirka, Aftidan ayaa markii ugu horreysay loo oggolaaday dhallinyarada da'doodu ka yar tahay 18 sano inay codkooda dhiibtaan.
Qoraalka sawirka, Ra'iisalwasaarihii hore ee Britain Gordon Brown, oo qeyb ka ahaa ololaha dadka aan dooneyn inay ka go'aan Britain, ayaa isaguna codkiisa dhiibtay.
Qoraalka sawirka, Habeenkii oo dhan ayay dadku soo jeedeen oo ay natiijada sugayeen. Qaarkood ayaa helay fursad ay muddo gaaban ku nastaan markii ay dhamaatay codbixinta.
Qoraalka sawirka, Magaalada Galasgow dadka ayaa billaabay inay dabbaaldegaan kaddib markii ay soo baxday natiijada degaankooda. Boqlkiiba 75 ayaa u codeysay inay ka go'aan Britain.
Qoraalka sawirka, Kaddib markii la billaabay tirinta codadka ayaa waxaa la ogaaday in dadka ka soo horjeeda in Scotland ay go'do ay ku horreyeen codadka la dhiibtay.
Qoraalka sawirka, Dadka ka soo horjeeday in Scotland ay ka go'da Britain ayaa dabbaaldegay markii la shaaciyay natiijada aftida.