Sangub oo fankiisa u leexiyay dib u dhiska Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa ka hanaqaaday kooxaha fanka tan iyo markii Alshabaab laga saaray 2011kii, waxana kooxahan dib u abaabulay abawaano horey uga tirsanaa kooxihii qaranka ka hor burburkii Soomaaliya.

Abwaan Maxamuud C/laahi Ciise (Sangub), waxa uu ka mid ahaa hal abuuradii ugu caansanaa ee taariikhda fanka Soomaaliyeed soo marta, waxa uu sanadkii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, oo uu ka sameeyay koox la yiraahdo Deegaan kuwaas oo masraxyada la isugu yimaado ka dhiga heeso iyo riwaayado dhamaantood ka tarjumaya in dib loo dhiso Soomaaliya lagana gudbo kala qaybsanaanta.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa la kulmay abwaan Sangub warbixintan ayuuna noo soo diray.