Sawirro: Duqeyntii ugu darnayd ee Isra'iil u gaysatay Qaza

Duqeyntii ugu darnayd ee Isra'iil u gaysatay Qaza

Qaza ayaa laga dareemay mid ka mid ah habeennadii ugu darnaa ee duqynta Isra'iil. Dhulka, cirka iyo badda ayaa laga duqeeyay.
Qoraalka sawirka, Qaza ayaa laga dareemay mid ka mid ah habeennadii ugu darnaa ee duqynta Isra'iil. Dhulka, cirka iyo badda ayaa laga duqeeyay.
Xarunta kaliye ee korontada ee Qaza ayaa la duqeeyay. Isra'iil ayaa sidoo kale duqeysay xarumo lala xiriirinayo Xamaas.
Qoraalka sawirka, Xarunta kaliye ee korontada ee Qaza ayaa la duqeeyay. Isra'iil ayaa sidoo kale duqeysay xarumo lala xiriirinayo Xamaas.
Ugu yaraan 60 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay weerarradii xalay oo kaliye. Ra'iisalwasaaraha Isra'iil Benjamin Netanyahu waxaa uu sheegay inuu ballaarin doono howlgalkiisa.
Qoraalka sawirka, Ugu yaraan 60 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa la dilay weerarradii xalay oo kaliye. Ra'iisalwasaaraha Isra'iil Benjamin Netanyahu waxaa uu sheegay inuu ballaarin doono howlgalkiisa.
Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon yaa ka walwalsan in Isra'iil ay ugu baaqeyso dadka degan woqooyiga Qaza inay guuraan.
Qoraalka sawirka, Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon yaa ka walwalsan in Isra'iil ay ugu baaqeyso dadka degan woqooyiga Qaza inay guuraan.
Ra'iisalwasaaraha Isra'iil waxaa uu sheegayaa in dalkiisu sii wadi doono duqeynta Qaza inta uu ka gaarayo danta uu ka leeyahay.
Qoraalka sawirka, Ra'iisalwasaaraha Isra'iil waxaa uu sheegayaa in dalkiisu sii wadi doono duqeynta Qaza inta uu ka gaarayo danta uu ka leeyahay.
Isra'iil ayaa sii wadday duqeynta cirka, dhulka iyo badda. Qaza sidan ayay u ekayd habeenkii.
Qoraalka sawirka, Isra'iil ayaa sii wadday duqeynta cirka, dhulka iyo badda. Qaza sidan ayay u ekayd habeenkii.
Ugu 55 guri ayaa ku burburay weerarradii xalay, dhowr ruux ayaa la sheegayaa inay ku hoos jiraan burburka guryaha.
Qoraalka sawirka, Ugu 55 guri ayaa ku burburay weerarradii xalay, dhowr ruux ayaa la sheegayaa inay ku hoos jiraan burburka guryaha.
Gurigii hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah, oo xilligaas aysan cidna joogin, ayaa gebi ahaanba la burburiyay.
Qoraalka sawirka, Gurigii hoggaamiyaha Xamaas Ismaaciil Haniyah, oo xilligaas aysan cidna joogin, ayaa gebi ahaanba la burburiyay.
Dhanka Isra'iil, shan askari ayaa laga dilay kaddib markii ay dablay hubaysan gudaha u galeen Isra'iil.
Qoraalka sawirka, Dhanka Isra'iil, shan askari ayaa laga dilay kaddib markii ay dablay hubaysan gudaha u galeen Isra'iil.