Sawirro: Diyaaradda Malaysia ee Ukraine ku burburtay
Diyaaradda Malaysia ee Ukraine ku burburtay
Qoraalka sawirka, Diyaaradda laga lahaa dalka Malaysia ee MH17 ayaa Khamiistii ku burburtay degaanka Grabovo, ee bariga Ukraine
Qoraalka sawirka, Dowladda iyo mucaaradka hubaysan ee Ukraine ayaa midba midka kale ku eedeynayo inuu soo riday diyaaraddaas.
Qoraalka sawirka, Shaqaalaha gurmadka ayaa si weyn u baaray burburka hoostiisa, kaddib markii la damiyay dabkii ka kacay diyaaradda.
Qoraalka sawirka, Ku dhawaad 300 oo ruux oo saarnaa diyaaradda ayaa ku geeriyooday shilkan
Qoraalka sawirka, Sawirkan ayaa diyaaradda laga qaaday markii ay ka soo duulaysay Amsterdam, iyadoo ku socotay magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malaysia.
Qoraalka sawirka, Waa shilkii labaad oo ay gasho diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Malaysia sanadkan. Diyaarad kale oo ka duushay Kuala Lumpur oo ku socotay Beijing ayaa ilaa haatan la la'yahay.