Dadka ku nool wasakhda Nairobi

Dadka ku nool wasakhda Nairobi

Goobta wasakhda ugu badan ee Nairobi lagu daadiyo ee Dhandhora, waxaa ka quuta kumanaan kun oo ruux oo ku nool haraaga cuntada wasakhda lagu soo tuuro
Qoraalka sawirka, Goobta wasakhda ugu badan ee Nairobi lagu daadiyo ee Dhandhora, waxaa ka quuta kumanaan kun oo ruux oo ku nool haraaga cuntada wasakhda lagu soo tuuro
Dadkan waxay wasakhda ka dhex raadinayaan caagagga iyo biraha si ay dib ugu celiyaan warshadaha.
Qoraalka sawirka, Dadkan waxay wasakhda ka dhex raadinayaan caagagga iyo biraha si ay dib ugu celiyaan warshadaha.
Dad gaaraya 6,000 oo ruux, ayaa ka shaqeysta in biraha iyo caagagga ay dib ugu celiyaan shirkadaha wax soo saara. Waxay wasakhdan soo gaaraan arrorrtii hore, waxayna ka tegaan galabti.
Qoraalka sawirka, Dad gaaraya 6,000 oo ruux, ayaa ka shaqeysta in biraha iyo caagagga ay dib ugu celiyaan shirkadaha wax soo saara. Waxay wasakhdan soo gaaraan arrorrtii hore, waxayna ka tegaan galabti.
Julius Macharia, oo 27 sano jir ah, waxaa uu ka mid yahay ilaalada goobtan wasakhda lagu daadiya, baabuurta wasakhda qaadda ayaa lacag siiya isaga iyo koxdiisa ilaalada ka hor inta aanay gelin gudaha.
Qoraalka sawirka, Julius Macharia, oo 27 sano jir ah, waxaa uu ka mid yahay ilaalada goobtan wasakhda lagu daadiya, baabuurta wasakhda qaadda ayaa lacag siiya isaga iyo koxdiisa ilaalada ka hor inta aanay gelin gudaha.
Julius waxaa uu ka walwalsan yahay halka ay wax ka cuni doonaan dadka ku nool goobtan wasakhda, haddii dowladdu go'aansato in wasakhda goob kale la geeya.
Qoraalka sawirka, Julius waxaa uu ka walwalsan yahay halka ay wax ka cuni doonaan dadka ku nool goobtan wasakhda, haddii dowladdu go'aansato in wasakhda goob kale la geeya.
Dadka ku nool xaafadaha ka ag dhaw wasakhda Dhandhora, waxay sheegayaan in aanay weligood la qabsan doonin qiiqa ka soo baxa goobtan, waxaana jira baaritaanno la sameeyay oo muujinaya in goobtaas lagu arkay maaddada Lead-ka ee halista ku ah caafimaadka aadanaha.
Qoraalka sawirka, Dadka ku nool xaafadaha ka ag dhaw wasakhda Dhandhora, waxay sheegayaan in aanay weligood la qabsan doonin qiiqa ka soo baxa goobtan, waxaana jira baaritaanno la sameeyay oo muujinaya in goobtaas lagu arkay maaddada Lead-ka ee halista ku ah caafimaadka aadanaha.
Maalin kasta baabuurkan, waxaa uu Dhandhora ku daadiyaa cunto soo hartay. Inta uusan daadin, ayay korayaan dadka ku nool haraaga cuntada ee lagu daadiyo goobtan.
Qoraalka sawirka, Maalin kasta baabuurkan, waxaa uu Dhandhora ku daadiyaa cunto soo hartay. Inta uusan daadin, ayay korayaan dadka ku nool haraaga cuntada ee lagu daadiyo goobtan.
Ragga xoogga badan ayay u suuragelaysaa inay koraan baabuurta wadda haraaga cuntada, kuwa kale way sugayaan.
Qoraalka sawirka, Ragga xoogga badan ayay u suuragelaysaa inay koraan baabuurta wadda haraaga cuntada, kuwa kale way sugayaan.
Wiilkan waxaa uu cantuugayaa caanaha ciirta ah, in kasta oo qoraxdu ku dhacday oo ay aad u kulul yihiin, isaga waxay u tahay cunto caadi ah.
Qoraalka sawirka, Wiilkan waxaa uu cantuugayaa caanaha ciirta ah, in kasta oo qoraxdu ku dhacday oo ay aad u kulul yihiin, isaga waxay u tahay cunto caadi ah.
Qeyba ka mid ah carruurta Iskuulka St Johns ayaa maalin kasta cunto u raadsada goobta wasakhda ee Dhandhora.
Qoraalka sawirka, Qeyba ka mid ah carruurta Iskuulka St Johns ayaa maalin kasta cunto u raadsada goobta wasakhda ee Dhandhora.
Rahab Rugura, waa hooyo 42 sano jir ah, qoyskeeda oo dhan ayaa tega goobta wasakhda ee Dhandhora, si ay wax la cuno u helaan.
Qoraalka sawirka, Rahab Rugura, waa hooyo 42 sano jir ah, qoyskeeda oo dhan ayaa tega goobta wasakhda ee Dhandhora, si ay wax la cuno u helaan.