TOOS: Dagaal culus oo ka socda Gobolka Bakool

Ku soo dhawaada BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Arday magaca internet-kiisa ka dhigay hal ku dhig lagu taageerayo Ukraine oo 10 maalmood loo xiray.

    arday

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Arday dhigta jaamacadda Moscow ayaa ka dhigay magaca internet-ka uu isticmaalo “Slava Ukraini” taas oo macnaheedu yahay "Waxaa sharaf leh Ukraine". Waa halkudheg sharafta iyo midnimada Ukraine lagu taageero.

    Maxkamad ku taal Moscow ayaa ku heshay khamiistii in uu galay dambi kaddib markii uu soo bandhigay astaanta ururada argagixisada.

    Ilaa markii uu bilowday dagaalka Ruushka kumanyaal ayaa la xiray ama la ganaaxay kuwaas oo dhaliilay duullaanka iyo in ay taageereen Ukraine.

    Ardayga waxaa la xiray subaxdii Arbacada kaddib markii sarkaal boolis ah ku wargeliyay maamulka magaca internet-kiisa

    Maxkamadda ayaa sheegtay in internet-kiisa uu u isticmaalay inuu ku dhiirogeliyo halkudheg lagu taageerayo Ukraine. Qeybiyaha internet-kiisa ayaa lagala wareegay

    Ardaygan ayaa ah qofkii ugu danbeeyay dadweynaha caadiga Ruushka ee loo ciqaabo hadal ama waxyaabo kale oo la xiriira dagaalka Ukraine

  2. Yaa kula tartamaya xil. Marwo Bashiir xilka guddoomiyaha baarlamaanka adduunka

  3. Shil diyaaradeed oo ka dhacay Brazil oo dad ku dhinteen

    bbc

    Xigashada Sawirka, Reuters

    14 qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay gobolka Amazon ee dalka Brazil xilli cimilo xumo ay jireen Sabtidii.

    Diyaaradan yar ayaa waxa ay ku dhoweyd dhamaadka safar 400km ah oo ah inta u dhaxeysa magaalada Manaus ee xarunta gobolka Amazonas iyo magaalada kaymaha fog ee Barcelos ka hor inta aysan burburin.

    Saraakiisha ayaa sheegay in dhammaan dadkii saarna oo kala ah 12 rakaab ah iyo labo shaqaale ah ay ku dhinteen shilkaasi.

    Waxaa la bilaabay baaritaan lagu ogaanayo waxa sababay shilkan.

    Xoghayaha amniga ee gobolka Amazonas Vinicius Almeida ayaa sheegay in xogta hordhaca ah ay muujinayso in diyaaradda ay burburtay ka dib markii ay ka dhamaatay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan markii ay ku soo degtay magaalada Barcelos xilli roobaad daran uu da'ayay wax aragana uu aad yaraa.

    Shabakadda wararka ee Brazil ee G1 ayaa ku warrantay in diyaaradda ay ahayd EMB-110, turboprop-ka mataanaha ah ee ay samaysay shirkadda diyaaradaha ee Brazil ee Embraer.

  4. Muxuu ka yiri geerida wiilkiisa aabaha dhalay askarigii badbaadiyay madaxweynaha Galmudug?

  5. Maxaad ka ogtahay YouTuber kaan reer Ingiriis ee doonaya inuu Soomaaliya usoo guuro?

  6. Maxay tahay hadiyadda Somaliland ka timid ee muranka ka dhalisay Ingiriiska?

  7. Muxuu caafimaadku ka qabaa ilka-dawacada, dalqada la jaro iyo saliida gawaarida oo la isku daweeyo?

  8. Taliye Shaah-macabe walaalkii oo farriin u diray madaxweyne Xasan Sheekh

  9. Kororka tirada Soomaalida Kenya iyo sida ay uga mid noqonayaan saddexda bulsho ee ugu badan

  10. Maxaa ka dhacaya Koonfur Galbeed Oktoobar kadib?

  11. Qaar ka mid ah dadkii ku dhintay colaadii Laascaanood ee bulshada u adeegay

  12. Maxaa ka dhaxeeya suugaanta iyo xisaabta? Abwaan Weedhsame ayaa sharraxay

  13. Maxaan ka naqaan xildhibaannada la sheegay inay ku dhaawacmeen weerarkii Laas – gacameey?

  14. Sida uu madaxweyne Qoorqoor uga badbaaday weerarkii Al Shabaab

  15. Waa maxay malaayiinta kaniini ee lagu saqraamo ee gacanta lagu dhigay

  16. Lix jirka Soomaaliga ah ee ku guuleystay tartan farshaxan oo caalami ah

  17. Waa Kumaa Cabdi Madoobe, Sargaalka SSC ee Soomaaliland Ku Sheegtay argagixisada?

  18. Gabadha calooleyda ku iibisa TikTok iyo sida ay dad badan ugu xirmeen

  19. Faahfaahinta duqeyn lagu eedeeyay Kenya oo lagu waxyeeleeyay qoys Soomaaliyeed

  20. Ninka ay boqolaalka nin qaban waayeen ee eygu qabtay