Zabihullah Mujahid, oo ah afhayeenka
xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan, ayaa sheegay in sida ku cad heshiiskii magaalada
Doha ee ay la galeen Mareykanka, in dhulka Afgaanistaan aan loo adeegsan
doonin dalka Pakistan, uuna u arko Pakistan dal Muslim ah oo walaalo ah.
Zabihullah Mujahid oo ah afhayeenka xukuumadda Taalibaan, ayaa hadalkan
jeediyay, isagoo ka jawaabaya hadalka wasiirka gaashaandhigga Pakistan Khawaja
Asif, oo eedeeyay Afgaanistaan.
Wuxuu sheegay wasiir Khawaja in xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan
aysan raacayn shuruucda kala hagta dalalka deriska la ah, heshiiskii Doha-na
ay qeyb tahay arrimahaasi.
Waxaa jirta in hoggaanka militariga iyo siyaasadda ee dalka Pakistan inay
walaac xooggan ka muujinayaan meelaha nabdoon ee ay kusugan yihiin mintidiinta
Taliban-ka reer Pakistan ee gudaha dalka Afgaanistaan, iyo hawlgallada
xuduudaha ee socda.
Afhayeenka xukuumadda Taliban, Zabihullah Mujahid, oo la hadlay BBC Pashto,
ayaa sheegay in haddii dowladda Pakistan ay la wadaagto cadeymaha howlgallada
ka dhanka ah Pakistan, kuwaasoo ka socda gudaha dhulka Afgaanistaan, ay
tallaabo ka qaadi doonaan Talibanka Pakistan.
Wuxuu intaas ku daray in 'dhinaca Pakistan ay sidoo kale shirar yeeshaan.'
Waxaa xusid mudan in wada hadalo dhowr ah ay magaalada Kabul ku yeesheen
wakiilo ka kala socday Talibanka Pakistan iyo dowladda Pakistaan,oo ay dhexdhexaadinayeen
xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan, balse aan miro dhal noqon.
Zabihullah Mujahid, ayaa sheegay in wakiilo ka socday Talibanka Pakistan
ay uga yimaadeen Waqooyiga Waziristan wada hadaladan, haatanna wada hadaladan
ay noqdeen kuwo aan miro dhal ahayn, dhexdhexaadintii wada hadaladana ayaa sidoo
kalana soo afjarantay.