Ninka ugu caansan mucaaradka Ruushka oo dacwad hor leh lagu soo oogay

Xigashada Sawirka, Reuters
Xulafada ninka ugu caansan mucaaradka Ruushka -- Alexei Navalny -- ayaa dhaleeceeyay go'aanka lagu joojinayo baahinta dacwadda kiiskii ugu dambeeyay ee maxkamaeed ee isaga ka dhanka ah.
Mr Navalny, oo horey xabsiga ugu jiray muddo dheer, ayaa wajahaya eedeymo cusub oo xag jir ah, iyadoo dacwadiisa lagu dhageysanayo gudaha xabsiga gumeysiga oo uu ku xiran yahay.
Saxafiyiinta waa loo diiday inay si toos ah u booqdaan, laakiin waxay awoodeen inay la socdaan bilawga dacwadda iyadoo intakale ee dacwada la damiyaya videe-ga.
Dhawaaqa ayaa la sheegay inuu aad u liito oo aan si weyn loo maqli karin.


















