Dhinacyada Suudaan oo lagu eedeeyay in aysan diyaar u ahayn wada hadal xabbad joojin
Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in dhinacyada isku haya Suudaan aysan ka faa’ideysan wada-hadallada ay fududeynayaan Mareykanka iyo Sacuudiga.
Wada xaajoodka ka dhacay magaalada Jiddah ee Sucuudiga ayaa la doonayay in lagu horseedo joojinta dagaalka.
Balse sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in wadahadallada aysan ku guuleysan sidii ay markii hore ku heshiiyeen ciidamada Suudaan iyo jabhadda Rapid Support Forces (RSF).
Dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in xabbad joojintii u dambaysay, ee soo dhamaatay Axaddii, si ka wanaagsan loo ixtiraamay xabbad joojintii hore, balse dagaalku uu dib u billowday.