Kooxda Chelsea ayaa u magacawday macallinkooda cusub tababarihii
hore ee kooxaha Tottenham iyo Paris St-Germain ee Mauricio Pochettino.
Xiddiga reer Argentine, oo 51 jir ah, ayaa shaqadiisa cusub ay
bilaabaneysaa 1da July ee sanadkan 2023 isaga oo qalinka ku duugay heshiis laba
sano ah, sanad dheeraad ahna uu dookh u yahay.
Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea Frank Lampard ayaa
kooxda soo dhigay kaalinta 12-aad ee kala saraynta horyaalka premier League
taas oo ahayd tii ugu hoosaysay muddo ka badan 25 sano.
“Mauricio waa tababare heer caalami ah oo leh rikoor fiican,
dhamaanteen waxaan rajeyneynaa inaan isaga fursad u siinno garoonka,” ayay kooxdu ku tiri warbixin ay soo
saartay.
Chelsea ayaa sheegtay in Pochettino uu ahaa dooqa koowaad
iyo tababaraha kaliya ee kooxda loo keenay wadahadal.
Wuxuu la shaqeyn doonaa agaasimayaasha isboortiga Paul
Winstanley iyo Lawrence Stewart.
"Waa tababare guuleysta, kaasoo ka soo shaqeeyay
heerarka ugu sarreeya, horyaalo iyo luqado badan. Hab-dhaqankiisa, habka
taatikada iyo sida ay uga go'an tahay horumarinta ayaa dhammaantood ka dhigay
musharaxa gaarka ah." Winstanley iyo Stewart ayaa ku yiri hadal ay soo
saareen.
Pochettino waa tababarihii lixaad ee joogtada ah ee Chelsea
muddo shan sano ah ka dib markii la ceyriyay Thomas Tuchel iyo Graham Potter
horaantii xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in Lampard uu si ku meel gaar ah u
qabto.
Chelsea ayaa soo bandhigtay xilli ciyaareed aad u liita,
waxaana ay guuldaro kala kulantay Manchester City wareega seddexaad ee labada
koob ee FA Cup iyo League Cup.
Waxa ay sidoo kale guuldarro kala kulantay kooxda Real
Madrid wareega 8-aad ee tartanka champions League taas oo soo afjartay rajadii
laga qabay in ay xilli ciyaareedka dambe u soo baxdo yurub.