Ururka Bariga Afrika oo bilaabaya xaqiijinta hanaanka Soomaaliya ay ugu biiri karto

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Reer Galbeedka oo soo dhaweeyay go'aanka Jarmalka uu Ukraine ku siinayo taangiyada

    Dhowr dal oo Yurub ka tirsan ayaa haysta taangiyada Leopard TWO

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Dhowr dal oo Yurub ka tirsan ayaa haysta taangiyada Leopard TWO

    Go'aanka Berlin ay taangiyada ugu dirayso waddanka Ukraine ayaa waxaa soo dhaweeyay dalalka xulafada la ah oo ay ku jiraan Poland, taas oo doonaysa in dhabbahaas ay soo qaadaan Faransiiska iyo Britain.

    Ra'iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak, ayaa sheegay in Jarmalka uu qaatay go'aan sax ah, waxa uu intaasi ku daray in xulafada Ukraine ay dardargelinayaan dedaallada lagu xaqiijinayo inay dagaalkan ku guulaysato oo ay ku gaarto nabad waarta.

    Saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale tilmaamay in Washington ay ansixin doonto in Kyiv loo diro taangiyada Ameerikaanka.

    Dhanka kale madaxa shaqaalaha ee madaxweynaha Ukraine, ayaa soo dhaweeyay go'aanka Jarmalka uu taangiyada dalkooda ugu soo dirayo.

    Andriy Yermak ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay middii koobaad oo nooceeda oo kale ah, waxaana uu ku baaqay in la sameeyo isbahaysiga taangiyada.

    Hasayeeshee afhayeen aqalka Krimlinka, Dimitry Pespov, ayaa sheegay in taangiyada reer Galbeedku lagu gubi doono goobaha dagaalka.

    Tallaabooyinkan ugu dambeeyay ayaa soo baxayay, kaddib markii hogaamiyaha waddanka Jarmalka, Olaf Scholz, ayaa xaqiijiyay in dowladdiisa ay dhiggeeda Ukraine siin doonto taangiyada Leopard TWO, sidoo kalana ay dalalka kale u ogolaan doonaan inay taangiyadaas Kyiv siiyaan.

    Bayaan ka soo baxay Mr Scholz ayaa lagu sheegay in waddanka Jarmalka uu wajiga koobaad Ukraine ku gayn doono 14 taangi, hasayeeshee qorshuhu uu yahay in wax badan dalkaas la geeyo.

    Waxa uu bayaanka intaas ku daray in Berlin ay si degdeg ah u bilaabi doonto tabarka ciidammada Ukraine ee taangiyadaas ku dagaalami doona.

  2. Taageerayaasha mucaaradka Koonfur Afrika oo dhigaya dibadbax ballaaran

    Koofur Afrika

    Xigashada Sawirka, AFP

    Kumannaan taageerayaasha mucaaradka ah ayaa isugu soo baxay bartamaha magaalada Johnnessburg si ay uga dibadbaxaan koronto xumida ka taagan guud ahaan waddanka Koonfur Afrika.

    Dad badan oo kor u lulaya boorar waa wayn oo ay ku qoran yihiin 'xaaladdan waan ka daalnay' ayaa waxa ay ku sii qulqulayaan xarunta dhexe ee xisbiga haya talada dalkaasi ee ANC.

    Xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance ayaa dhibaatada waxa uu ku eedeeyay xisbigaasi ANC, iyagoo ku tilmaamay in xisbigaas uu la degay musuq maasuq iyo maamul xumo.

    Barasaabka gobolka Western Cape, Alan Winde, oo ku biiray dadka dibadbaxayay ee ku sugan taallada madaxweynihii hore ee dalkaasi Nelson Mandela, ayaa sheegay in haddii uu maanta noolaan lahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee ay Koonfurka Afrika yeelato, kaas oo hogaamin jiray ANC – waa Nelson Mandela, inuu taageeri lahaa dibadbaxyada ay dhigayaan.

  3. Galmudug oo khaadka ka mamnuucday deegaannada ay ka socdaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab

    Maamulka Galmudug ayaa khaadka ka mamnuucay in la geeyo deegaannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al -Shabaab ee maamulkaas.

    Maamulka Galmudug wuxuu uga digay ganacsatada isla markaana ay la wareegi doonaa gaadiidkii halkaas khaadka geeya.

    “Wasaaradda waxay ogeysiineysaa dhinacyada ganacsatada, gaadidleyda iyo cid walba ee ku howlan geynta deegaannada iyo degmooyinka ay ka socdaan howlgallada dib u xoreynta Galmudug , sida Xarardheere, Ceeldheer, Galcad iyo deegaannada hoostaga” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Galmudug.

    .

    Xigashada Sawirka, .

  4. Mas'uuliyiinta Dowlad Deegaanka oo beeniyay dad gaajo iyo harraad u dhintay

    Dowladda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa beenisay warar sheegayayin dad Gaajo iyo haraad ugu dhinteen deegaanno hoostaga gobolka Afdheer, halkaa oo dadka deegaanka qarakood sheegeen in ay ka jirto abaar ba'an.

    Guddoomiyaha degmada Ceelkari Axmed Deeq Gaabow oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in wararkaasi ku saabsan dhimashada aaney waxba ka jirin hase yeeshee wuxuu qiray in abaar xooggan ay deegaanka ka jirto.

  5. War deg deg ah, Jarmalka oo xaqiijiyay in taangiyada Leopard 2 uu u dirayo Ukraine

    Dowladda Jarmalka ayaa xaqiijisay in 14 kamid taangiyada Leopard 2 ay u direyso dalka Ukraine, sida uu shaaciyay hoggaamiyaha Jarmalka Scholz.

    Hoggaamiyaha Jarmalka ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu saaka la hadlayay golaha wasiirada.

    Jarmalka wuxuu sidoo kale ansixin doonaa in taangiyada Leopard loo dhoofin doono dalalka saddexaad.

  6. Jarmalka iyo Mareykanka oo taangiyada dagaalka u diraya Ukraine

    Mareykanka iyo Jarmalka ayaa lagu soo warramaya qorshe ay taangiyada dagaalka ugu dirayaan dalka Ukraine, tallaabadaas oo ay Ukraine u aragto inay wax ka baddali karto dagaalka.

    Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa lagu wadaa in uu shaaciyo qorshaha uu dalkiisa ugu diray Ukraine taangiyada M1 Abrams oo gaaraya 30.

    Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa lagu soo warramaya in uu go’aansaday in ugu yaraan 14 kamid gantaallada Leopard 2 uu siiyo Ukraine, waxaana lagu wadaa in maanta uu baarlamaanka kusoo hadal qaado arrintani.

    Safiirka u fadhiya Ruushka u fadhiya Mareykanka ayaa warkan ku tilmaamay ‘daandaansi kale oo cad’.

    Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz -oo ag taagan gantaalka Leopard 2 sanadkii hore, waxaana cadaadis lagu saaraya in taangiyada uu u diro Ukraine

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Hoggaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz -oo ag taagan gantaalka Leopard 2 sanadkii hore, waxaana cadaadis lagu saaraya in taangiyada uu u diro Ukraine
  7. Rwanda oo toogatay diyaarad laga leeyahay DR Congo iyo xiisad ka dhex bilaabaday labada dal

    Diyaaradda la toogtay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

    Xigashada Sawirka, Social Media

    Qoraalka sawirka, Diyaaradda la toogtay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo

    Dowladda Rwanda ayaa sheegay inay ‘qaadday tallaabo ay isku difaaceyso’ oo ka dhan ah diyaarad ay leedahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ‘oo kusoo xadgudubtay hawadeeda’ Talaadadii.

    Sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya diyaarad militeri oo la toogtay xilli dul mareysay inta u dhexeysa hawada Goma ee DR Congo iyo magaalada Gisenyi ee dhinaca Rwanda.

    Sawirro kale ayaa muujinayay diyaaradda oo burburtay-taasoo nooceedu ahaa Sukhoi-25 laguna soo sameeyay Soofiyeet xilli biyo lagu daminayay dab ka kacay diyaaradda garoonka diyaaradaha ee Goma.

    Bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee DR Congo ayaa lagu cambaareeyay dhacdada.

    Waxayna beeniyeen in diyaaradda ay dul mareysay hawada Rwanda.

    Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa sheegtay, “in dhacdada aysan indhaha ka dadan doonin ayna xaq u leedahay inay is difaacdo”.

    “Dowladda waxay weerarka soo noq-noqday ee Rwanda u aragta ficil ula kac ah loo geystay oo daandaansi ah oo lamid ah ficil dagaal” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay waraaradda warfaafinta ee DRC.

    Rwanda waxay sheegtay in markii saddexaad ay diyaaradaha dagaalka ee Congo ay kusoo xadgudbeen hawadeeda ayna ugu baaqday dalka ay deriska yihiin ‘in uu joojiyo daandaansiga noocan ah”.

    Bishii November ee sanadkii hore, diyaarad laga leeyahay DR Congo ayaa ku degtay garoonka diyaardaha ee Gisenyi ee Rwanda, xukuumadda Kinshasa waxay sheegtay in diyaaradda dagaal ay si khalad ah ugu degtay halkaas.

    Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo waxay ku eedeysay Rwanda inay taageerto fallaagada M23, iyadoo eedeymahaas ay beenisay xukuumadda Kigali.

    Dhacdadan ayaa sii hurin karta xiisadda ka dhex taagan labada dal ee deriska ah.

  8. Ururka Bariga Afrika oo bilaabaya xaqiijinta hanaanka Soomaaliya ay ugu biiri karto

    Ururka bariga Afrika ee EAC ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uu bilaabo hannaanka lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ay diyaar u tahay inay kusoo biirto ururkan.

    Shirkan ayaa maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana lagu gorfeyn shuruudaha looga baahan yahay Soomaaliya si ay uga mid noqoto EAC.

    Waxaana shirka ka qeybgalaya saraakiil sare oo ka socota dalalka buhoobay ururka bariga Afrika.

    Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.

    Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo. Ganacsatada Soomaalida ah ayaa hanti muuqata ku leh dalalkaas marka laga reebo Burundi.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  9. War kasoo kordhay taageerayaashii Arsenal ee lagu xiray Uganda

    .

    Xigashada Sawirka, TWITTER / NBS TELEVISION

    Waxaa la sii daayay qaar kamid ah taageerayaasha kooxda Arsenal oo dhawaan lagu xiray magaalada Jinja ee dalka Uganda.

    Taageerayaashan oo gaarayay siddeed ayaa la qabtay xilli ay dabbaaldegyo ka dhigayeen halkaas kadib guushii Arsenal ay ka gaartay Manchester United.

    Waxay ku labisnaayeen fanaanadda Arsenal, waxayna siteen astaan u muuqata koob xilliggii lagu xiray Uganda Isniintii.

    Booliska waxay sheegeen in dhalinyarada la qabtay aysan xilliggaas heysan wax ogolaansho ah oo ay ku qaban kareen dabbaaldegyada taasoo xadgudub ku aheyd nidaamka guud ee amniga.

    Talaadadii koox isku dhaf oo amniga qaabilsan ayaa isku raacay in la sii daayo dhalinyarada isla markaana digniin loo diro, ayuu yiri James Mubi oo ah afhayeenka booliska ee gobolka.

    Mid kamid ah taageerayaasha ayaa u sheegay weriyeyaasha “in booliska ay ogolaansho weydisan doonaan si ay u dabbaaldegaan waa haddii Arsenal ay ku guuleysato horyaalka Ingiriiska”.

    “Waxaan dabbaalegyo ku qabsan doonaa garoonka kubadda cagta ee Bugembe” ayuu yiri nin isku magacaabay safiirka Arsenal ee Uganda.

    Ka bood X boggan
    Oggolow X macluumaadka

    Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

    Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan

    Dhammaadka X boggan

  10. Asalaamu Caleykum.

    Kulanti wacan kusoo dhawaada kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo caalamka.

  11. Faafaahinta weerarkii hoobiyayaasha ee lagu qaaday Villa Somalia

    Faafaahinta weerarkii hoobiyayaasha ee lagu qaaday Villa Somalia

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Sawir hore oo madaxtooyada Soomaaliya ah

    Faafaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerrar loo adeegsaday madaafiic hoobiyayaal ah oo maanta lagu qaaday xarunta madaxtooyada iyo agagaaraheeda ee magaalada Muqdisho.

    Ugu yaraan shan qof oo rayid ah ayaa la sheegay inay ku dhawaacmeen madaafiicdaasi oo uu ku jiro canug yar oo shan sanno jir ah. Dadka qaar ayaa sheegay in qaraxyada ay maqleen ay gaarayeen illaa todoba madfac oo aaggaasi ku soo dhacay.

    Dadka deegaanka ayaa sheegaya in madaafiicda qaar ay ku dhaceen guriga gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) kaas oo ku yaal xayndaabka xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

    Qaar kale ay ku dhaceen guri u hore u deganaan jiray isla gudoomiyaha Golaha baarlamaanka oo aan ka fogayn guriga uu deggan yahay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre, iyadoo qaar kalana ay ku dhaceen xaafaddaga ka ag-dhaw madaxtooyada.

  12. Hoobiyayaal lagu weeraray madaxtooyada Villa Soomaaliya

    Agagaarka Villa Soomaaliya

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, Agagaarka Villa Soomaaliya

    Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dhowr hoobiye ay ku dhaceen xeendaabka madaxtooyada Villa Soomaaliya.

    Goobjoogayaasha ayaa sheegaya in ilaa 6 hoobiye ay maqleen kuwaasi oo qaarkood ay ku dhaceen gudaha madaxtooyada, halka qaar kalana ay ku dhaceen xaafado ka ag-dhaw madaxtooyada.

    Wararka ayaa intaa ku daraya in ay jiraa dad ku dhaawacmay hoobiyayaashaasi, balse aan wali la hayn wax faahfaahin ah.

  13. Uganda oo maanta bilaabaysa qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal

    Khariirad
    Qoraalka sawirka, Khariirad

    Uganda ayaa maanta oo Talaado ah bilaabaysa qodista ceelkii ugu horreeyay ee shidaal ah ee Kingfisher, sida ay sheegtay wakaaladda batroolka ee dawladda.

    Waxa la filayaa in marka la gaaro 2025 shidaalkii ugu horreeyay oo dhan 1.4 bilyan oo foosto laga soo saari doono ceelasha gobolka bartamaha dalkaasi.

    Wakaaladda batroolka ee dawladda Uganda, ayaa mashruucani ku tilmaamtay mid taariikhi ah.

    Dowladda Uganda ayaa muddo ku howlanayd bilaabidda mashruucani lagu qodayo ceelsha shidaalka.

  14. Shirka culumada oo maalinkii labaad Muqdisho ka socda

    .

    Xigashada Sawirka, Telefishinka Qaranka

    Qoraalka sawirka, shirka culumada

    Waxaa maalinkii labaad magaalada Muqdisho ka socda shirka culumada Soomaaliyeed.

    shirka ayaa ajandayaasha looga hadlayo waxaa ka mid ah sharciyad ka qaadista ururka Al-Shabaab, sheegidda fahamka saxda ah ee diinta islaamka,sharciyad siinta dawladda, xukunka islaamka iyo dawladnimada casriga ah iyo ugu dambeyn dhisida Golaha Sare ee Culimada.

    Shirkan oo socon doona illaa khamiista ayaa waxa ka qaybgalaya culimo ka kala yimid dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka shalay furay ayaa culumada ugu baaqay in ay si fiican u falanqeeyaan arrimaha la xiriira diinta islamka.

  15. Weerar ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mareykanka

    Booliiska ayaa degdeg ah uga jawaabay weerarka

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Booliiska ayaa degdeg ah uga jawaabay weerarka

    Gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ka dhacay weerkii labaad oo muddo maalmo gudahood ah ka dhaca.

    Nin hubeysan ayaa waxaa uu toogasho ku dilay 7 qof oo ay goob ka wada shaqeynayeen koonfurta San Francisco.

    Weerarka ayaa ka dhacay magaala xeebeedka Half Moon Bay.

    Dadka ku dhintay weerarka ayaa waxaa ay dhamaantood ahaayeen beeraley asal ahaan ka soo jeeda Shiinaha.

    Labo maalmood ka hor ayay ahayd markii ay 11 qof ku dhinteen weerar toogasho ah oo uu qaaday nin hubeysan meel u dhow magaalada Los Angeles ee ku taalla Koofurta California.