Haweeney 19 jir ah oo u dhalatay dalka Mareykanka, ayaanan awoodi doonin inay
aragto aabaheed oo dil toogasho ah lagu fulinayo, kadib markii xaakim uu
taageeray sharciga Missouri, oo dhigaya in ay aad u yar tahay.
Ninka la yiraahdo Kevin Johnson, ayaa wajahaya xukun dil ah Talaadada,
isagoo lagu eedeyay inuu dilay sarkaal booliis ah sanadkii 2005-tii, xilligaasi
oo uu ahaa 19 jir.
Waxa uu codsaday in gabadhiisa, Khory Ramey, ay goob joog ka noqoto goobta
lagu dilayo.
Ururka Xorriyadda Madaniga ah ee Mareykanka, ayaa gudbiyay mooshin degdeg
ah iyagoo wakiil ka ah gabadha yar, waxey ku doodayaan in sharciga gobolku uu
ku xad-gudbay xuquuqdeeda dastuuriga ah.
Waxay yiraahdeen shuruudaha da'da ee sharciga Missouri - oo ka mamnuucaya
qof kasta oo ka yar da'da 21 inuu goob joog ka ahaado goob lagu fulinayo xukun dil
ah - aysan laheyn ujeedo rasmi ah oo la xiriirta dhanka badqabka fayoobida.
Johnson, oo 37 jir ah, ayaa xabsiga ku jiray tan iyo markii Ramey ay
dadeedu ahayd laba sano jir.
Labada ruux ee gabadha iyo aabaheed, ayaa xiriirkoodu wuxuu ku dhisnaa booqashooyin,
telefoon, waraaqo iyo iimaylo. Waxay keentay in gabadhii yareyd inta weynaatey,
ay haatan wiil ay iyadu dhawaan dhashay xabsiga geystay, si uu ula kulmo awoowgii
bishii hore.
"Aad ayaan uga xumahay inaanan aabahay la joogi karin waqtiyadii ugu
dambeeyay," ayay Ramey ku tiri hadal ay soo saartay, iyadoo intaas ku
dartay in aabaheed uu aad ugu dadaalay sidii uu xabsiga uga soo bixin lahaa,
waxayna sheegtay inay codsi barya ah u gudbineyso guddoomiyaha Missouri, si uu
ugu naxariisto aabaheed, oo uu cafiyo.
Johnson ayaa lagu helay toogashadii dhimashada lahayd ee sargaal katirsan
booliiska Missouri, William McEntee, oo ahaa nin dhalay saddex carruur ah.
Qareenada Johnson, ayaa gudbiyay rafcaan ay ku doonayaan inay nafta
macmiilkoodda ka badbaadiyaan dil. In kasta oo ayan u doodin dembigiisa,
haddana waxay ku doodayaan in cunsuriyaddu ay door ku lahayd xukunka ciqaabta
dilka ah.