Waa kuma ninka ay dartiis u kulmi rabaan Biden iyo Maxamed Bin Salmaan oo isku dhacsan?
Tebin toos ah
Tebin toos ah
Xasan Sheekh oo u hambalyeeyey madaxweynaha la doortay ee Kenya
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa si diirran ugu hambalyeeyey madaxweynaha la doortay ee Kenya.
Qoraal lagu daabacay barta Villa Soomaaliya ayaa hambalyada ka dib lagu sheegay in madaxweynuhu uu William Ruto kala shaqayn doono xoojinta xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.
Dhanka kale madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhankiisa hambalyo u diray Mr Ruto, waxaa sidoo kale hambalyo taas la mid ah diray madaxweyneyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Boqor dalkiisa uga cararay eedeyn ku saabsan in uu laaluush qaatay
Xigashada Sawirka, Getty Images
Boqorkii horeee dalka Spain Juan Carlos ayaa ku laban doona
dalkiisa todobaadkan ka dib markii uu ugu yaraan labo sano uu dibadjog ahaa
kuna noolaa dalka Imaaraadka Carabta.
Boqqorka ayaa ka tagay Spain ka dib markii lala xiriiriyey in uu
laaluush qadasho ku lug yeeshay, laakiin saddex baaris oo lagu sameeyey boqorka
84 jir ah ayaa laga dhaafay dambiyadii bishii Maarso e aan soo dhaafnay , taas
oo keentay in uu soo laabto.
Boqorka hore ayaa khamiista imaan doona Spainwuxuuna waqti la qaadan doonaa qoyskiisa oo
ku nool woqooyi galbeed ee dalka Spain wuxuuna magaalada Madrid ku arki doonaa
wiikiisa boqor Filipe.
Meyd laga helay waddo diyaaraduhu ka haadaan
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, NIGERIA
Saraakiisha Nigeria ee garoon diyaaradeed ayaa
baaraya meydka laga helay wadadad diyaaraduhu ka haadaaan ee garoonka weyn ee
magaalada Lagos .
Qof la aqonsan waayey meydkiisa ayaa lagu helay baaris
saacadihii aroornimo ee maalinimadii khamiista , sida ay sheegeen saraakiisha
dinaca garoomada oo sooo saaray war qoraal ah.
Wadada diyaaraduhu ka haadaan ayaa la xiray qiyaastii
labo saac iyo bar si meydka halkaas looga qaado.
Muxuu yahay cudurka cusub ee laga hadal hayo Yurub, Mareykanka iyo Australia?
Qoraalka sawirka, MONKEYPOX
Kiisaska cudurka Monkeypox aad
bay dhif u yihiin , waa cudur wax yar laga yaqaano – waxaana laga baarayaa
dalalka Yurub oo ay ku jiraan Ingiriiska, Mareykanka Canada, iyo Australia .
Maanta ayaa Ingiriisku
xaqiijiyeen tirade Kiisaka in ay labo laabmeen taas oo tirada guudka dhigeysa ilaa 20 qof.
Xoghaya caafimaadka ee
Ingiriiska Sajid Javid ayaa sheegay in
11 kiis oo cusub la xaqiijiyey in ay ahaayeen kuwo aan cusleyn.
Dowladda Ingiriiks ayaa keentay
tallaalka busbuska ama jadeecada si ay dadka uga ilaaliso cudurkaa.
Maxaa laga yaqaanaa
monkeypox?
Monkeypox Waxaa keena Fayrus la
yiraaho Monkeypox oo xubin ka ah qoyska fayrusyada keena jadeecada ama busbuska
inkastoo uu ka dhibaato yar yahay ayna khubaradu sheegayaan in fursadaha
infekshan uu u keeni karo ay yar tahay.
Inta badan waxaa uu ka jiraa qeybo ka
tirsan dhulka baadiyaha ah ee ku yaalla
bartamaha iyo galbeedka Afrikaee u dhow
keynaha roobleyda ah ee kulaaleyaasha.
Labo ka tirsan dadka uu ku dhacay ee
jooga dalka Ingiriiska waxay ka yimaadeen dalka Nigeria , sidaas ayey ugu
dhowdahay in qaadeen nooca cudurka ee galbeedka Afrikakaas .oo inta badan khafiif ah taas lafteeda
weli lama xaqiijin.
Kiis kale waxa laga helay qof
shaqaale caafimaad ah oo fayruska ka soo qaaday mid ka mid ah bukaanka.
Maxay yihiin
calaamadaha lagu garto cudurka?
Calaamadaha lagu
garto waxaa ka midah qandho, madax xanuun , dhabar xanuun , xanuun murqaha ah
iyo xanuun guud.
Marka qandhaha ay
bilaabanto waxaa qofka ku dhaca wareer , marka hore weji ka dibna qeybaha kale
ee jirka , sida badan calaacalaha gacmaha iyo kuwa lugaha ayaa qofka olola.
Sidee lagu qaadaa cudurka?
Monkeypox wuxuu ku faafaa marka qofka
uu aad ugu dhowaao qof qaba cudurka ..Feyrus wuxuu qofka ka galaa meelaha
maqaarka uu ka jilicsan yahay, xubnaha neefsashada, indhaha, sanka iyo afka.
Hore looguma sheegin in uu ka mid yahay
cudurada galmada lagu kala qado laakiin laakiin waxaa la isugu gudbin karaa
xilliga galmada.
Waxaa kale oo laga qaadi kaaa
xayawaanka sida daayeerka, jiirrka iyo waxyaabaha gudbiya feyruska sida dharka
gogosha iyo dharka.
Erdogan: ma aqbalayno in urur argagixiso lagu soo daro NATO
Xigashada Sawirka, DHA
Qoraalka sawirka, ERDOGAN
Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa ayaa
maanta hadla ka jeediyey masjidka Hazrat Ali eek u yaalla magaalada Istanbul
salaaddi Jimcaha ka dib.
Marka lafiiriyo xubinimada NATO ee Finland iyo Sweden
, ayuu Erdogan yiri ‘’ Waxaan kulan ballaaran la yeeshay ra’iisul wasaaraha
Netherland maanta . Berri waxaan wadahadal yeelaneynaa Ingiriiska iyo Finland
.waxaa kale oo aan la kulmi doonaa Xoghayaha GuudJeneraal Stoltenbeg .’’ .
Wuxuu xusay in dalalka Yurub , oo u heysta PKK in
ay yihiin argagisixiso ma arkayaan YPG in sida ay ka dhigeen ururadaas ‘’
hadalo ay ka jeediyeen baarlamaanadooda’’ayuu yiri Erdogan ‘’ Haddii aan ognahay
in NATO ay aad u neceb tahay argagixisada , haddii aan ognahay in NATO ay tahay
urur dhinaca ammaanka ah ..ma oggolaaneyno in urur argagixio lagu soo daro NATO
, Haa ma hihi karno , waxay ila tahay waxaa la mid ah Sweden iyo Finland ‘’
ayuu yiri
Waa kuma ninka ay dartiis u kulmi rabaan Biden iyo Maxamed Bin Salmaan oo isku dhacsan?
Xigashada Sawirka, Getty Images/EPA
Madaxweynaha Mareyknaka, Joe Biden iyo Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan, ayaa laga yaabaa in ay markii ugu horraysay kulan yeeshaan bisha soo socota, sida uu tebiyay telefishinka CNN oo soo xiganayay ilo wareedyo kala duwan.
Maamulka Biden ayaa wadahadal kula jira saraakiisha boqortooyada si loo diyaariyo kulanka fool ka foolka ah ee labada hoggaamiye, kaasoo dhici doona inta uu Biden dibadda uga maqan yahay Mareykanka.
Aqalka Cad ma uusan xaqiijinin arrintan balse sidoo kale ma uusan beenin.
Laakiin telefishinka fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Biden iyo Wiilka uu dhalay Boqorka Sacuudiga ay ka wada hadli doonaan arrimaha ku saabsan nin lagu magacaabo Sacad Al-Jabri.
Waa kuma ninka ay dartiis u wada hadlayaan Madaxda Mareykanka iyo Sacuudiga?
Sacad bin Khalid Al-Jabri, waa janaraal hore oo Sacuudi ah, sidoo kalena soo noqday wasiirka arrimaha dowladda Sacuudiga.
Muddo dheer ayuu ahaa la taliyaha Dhaxal Sugihii xilka laga qaaday ee boqortooyada Sacuudiga, Maxamed bin Nayef.
Balse waxa uu tan iyo 2017-kii ahaa siyaasi baxsad ah oo dibadda ku nool, dowladda Sacuudiguna waxay doonaysay in loo soo gacan geliyo. Sacad waxa uu hadda ku sugan yahay dalka Canada, balse Sacuudiga waxaa uga socda dacwad ku saabsan eedeymo musuqmaasuq.
Haddii ay is arkaan Biden iyo MBS waxay noqonaysaa markii ugu horreysay ee ay kulmaan tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Mareykanka, labo sano ka hor.
Xiriirka Washington iyo Riyaad ayaa xumaa tan iyo markii uu Mareykanku taageerada kala noqday dagaalka uu isbahaysiga Sacuudiga ka wado Yemen, sanadkii lasoo dhaafay.
Sidoo kale sirdoonka Mareykanka ayaa soo saaray xog Maxamed Bin Salmaan la xiriirinaysa dilkii Jamaal Kaashuqji oo lagu khaarijiyay gudaha Turkiga, tallaabadaas oo sababtay in ay isku sii xumaadaan labada dal.
Ruushka oo ay cabsi galisay qorshaha ku biiritaanka NATO ee Sweden iyo Finland
Qoraalka sawirka, BORDER
Wasiirka Gaashaandhigga Ruushka Sergei Shoigu ayaa sheegya in Mosko ay
abuuri doonto 12 urur oo cusub oo ciidamada ah kuwaas oo ay ka sameynayaan
galbeedka dalkaas si ay uga jawaabaan isbaalaalrin suurtagal ah oo ka imaan
karta NATO.
Wuxuu sheegay in Sweden iyo Finland ay ku biirayaan NATO
ayna sii kordhi karto qataraha meelaha xuduuda ah .
Labadaas dal ee Sweden iyo Finland ayaa soo
gabagabeeeyey sanado badan oo ay militariga ka caagnaayeen taas oo ay keentay
faragalinta Ruushka ee Ukraine .
Baarlamaanka Ruushka ayaa isna ka fiirsanaya mashruuc
dib loogu cusbooneysiinayo da’da ragga ka shaqeynaya ciidanka .
Taasna waxaa keenay markii dagaalka Ukraine ay Ruushka
askar badan kagad dhinteen
IMF oo heshiis oo fursad cusub siisay dowladda Xasan Sheekh
Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa maanta shaacisay heshiis ay kordhisay muddada ay kaalmada siiso Soomaaliya kadib markii lasoo
geba-gebeeyey doorashada dalka si ay wakhti u siiyaan madaxweynaha cusub inuu dowladiisa ku soo dhiso.
IMF ayaa bixin doonto $400 milyan oo deyn ah muddada saddexda
sano ee soo socoto,waxaana lagu waday inuu
dhaco 17-ka May haddii aan maamul cuusb la dooran kahor xilligaas, ayada oo
marar badan ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya.
Hase
yeeshee Guddiga Fulinta IMF ayaa toddobaadkii tegay aqbalay codsi ka yimid
dowladda Soomaaliya oo ahaa in waqtiga loogu daro saddex bilood oo ku eg 17-ka
August.
Sheekada gabadha garoonka kubbadda cagta ee hablaha ka higelisay Hargeysa
Amuun Aadan waxay magaalada Hargeysa ka hirgelisay garoon kubbadda cagta ah oo u gaar ah hablaha, kaas oo ay ku ciyaaraan, kuna tababartaan.
Halkan hoose ka daawo sheekadeeda oo dhameystiran.
Qoraalka Muuqaalka, Sheekada gabadha garoonka kubbadda cagta ee gabdhaha ka higelisay Hargeysa
Kuuriyada Waqooyi oo Covid ku dayaysa biyo-kulul iyo cusbo
Xigashada Sawirka, EPA
Qoraalka sawirka, Booyad wadda oksojiin oo la buufinayo, Pyongyang
Kuuriyada Waqooyi ayaa la halgamaya cudurka Covid oo aad ugu
faafaya dalkaas oo dadkiisu aysan tallaalneyn, sidoo kalena aysan haysan
dawooyinka u sahla jirka inuu la dagaallamo waxyeellada cudurka.
Dalkan, wuxuu sanadkii 2020 xiray xudduudihiisa si uusan u soo
gaarin cudurka safmarka ah. Madaxda hoggaamisa Waqooyi Kuuriya ayaa ilaa hadda diiday
taageero caafimaad oo bannaanka uga timaada.
Dadka uusan hayn xanuunka daran ayuu wargeyska xisbiga
talada haya ee Rodong Simnun u soo jeediyay inay isticmaalaan sanjabiil ama shaah
malab leh iyo nooc caleen-shaah ah oo gaar ah.
Biyaha kulul waxaa suurtagal ah inay hoos u dhigaan
calaamadaha qaar ee Koofidka, sida dhuun-xanuunka ama qufaca ama ay wax u taraan
jirka bukaanka. Sanjabiilka iyo caleen-shaaha waxay yareyn karaan xanuunka. Laakiin
cudurka uma aha dawo.
Biyo cusbo leh
“Kumannaan tan oo cusbo ah” ayaa loo diray magaalada
Pyongyang si ay xal ugu noqoto waxa sababa cudurka, sida ay ku warrantay
warbaahinta dowladda.
Daraasadaha qaar ayaa soo jeediyay in biyaha cusbada leh ay
wax ka taraan fayrusyada sababa qabowga caadiga ah. Hase ahaatee, aad bay u yar
tahay caddeynta loo hayo inay xakameyn karto faafista Koofid.
Madaxweynaha Imaaraadka oo amar kasoo saaray Lacagtii ay Soomaaliya u fasaxday
Xigashada Sawirka, Reuers
Madaxweynaha dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa amar ku bixiyey in dowladda Soomaaliya lagu wareejiyo lacag dhan $9.5 Milyan oo dollar, taas oo loogu talagalay arrimaha bini'aadanimada iyo horumarinta Soomaaliya, sida ay shaaciyeed warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka Soomaaliya.
Go'aanka Madaxweyne Maxamed bin Zayed ayaa yimid saacado kaddib markoo Xukuumadda Soomaaliya ay fasaxday lacagtaas in dib loogu celiyo Imaaraadka.
Sanadkii 2018-kii ayay lacagtan qabteen hay'adaha a,niga ee ka howl gala garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, ilaa xilligaasna waxaa lagu hayay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
Mareykanka oo war kasoo saaray hadalkii la isla dhex marayay ee ku saabsanaa in Xasan Sheekh Maxamuud laga marti qaaday Washington
Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay war maalmihii lasoo dhaafay la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud lagu marti qaaday booqasho uu ku tago Mareykanka.
Bayaan lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa lagu yiri: "Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxay caddaynaysaa in xilligan aysan jirin casuumaad rasmi ah oo Mareykanku uu u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u booqdo Washington, DC. Dowladda Mareykanku waxay ka war qabtaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu aad ugu mashquulsan yahay dhismaha dowladdiisa."
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Lacagtii Imaaraadka ee uu Farmaajo xayiray oo la fasaxay
Lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee xukumadda Farmaajo ay xayirtay sanaddii 2018 ayaa la fasaxay, ayada oo lagu wareejiyey safiirka dalkaas ee Muqdisho.
Sii-deynta lacagtaas oo dhan $9.6 milyan ayaa timid ka dib go’aan kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagtaas.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa horanatii sanadkan wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali geliyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacagtaas oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, wuxuuna amray in la fasaxo. Waxaase markiiba go'aankaasi hor istaagay madaxweyne Farmaajo.
Safiirka imaaraadka maxamed Axmed Al’uthman ayaa la sheegay inuu maanta lacagtaasi la wareegay.
Muxuu yahay hadalka ka soo fakaday madaxweynihii hore ee Mareykanka ee ku saabsan Ciraaq iyo Ukraine?
Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W Bush ayaa si aan ku talogal ahayn Vladimir Putin ugu cambaareeyay weerarka lagu qaaday "Ciraaq", isagoo markii dambe hadalkiisa saxay oo sheegay inuu ula jeedo Ukraine.
Mr Bush ayaa khaladkan sameeyay xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabad ka dhacday Dallas. Texas, halkaas oo uu uga hadlayay muhiimadda ay leedahay doorashada caddaaladda ah.
Waxa uu yiri: "Go'aanka hal nin uu ku qaaday dagaal arxan darro ah oo aan marmarsiiyo lahayn oo ka dhan ah Ciraaq... Waxaan ula jeedaa Ukraine".
Mr Bush waxa uu madaxweyne ka ahaa Mareykanka markii dagaalka uu Mareykanku hoggaaminayay lagu qaaday dalka Ciraaq sanadkii 2003-dii, waxaana waddankaas lagu eedeynayay inuu haystay hubka wax gumaada, inkastoo aan laga helin.
Qoraalka Muuqaalka, George W Bush mistakenly condemns Putin's invasion of 'Iraq' instead of Ukraine
Dagaalka Soomaalida iyo Canfarta oo dib u qarxay iyo khasaaraha ka dhashay
Dagaallo u dhaxeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa dib uga qarxay deegaannada galbeed ee gobolka Sitti ee dalka Itoobiya.
Colaaddan ayaa soo cusboonaatay maalmo kaddib markii hoggaamiyeyaasha labada dhinac ay heshiis ku kala saxiixdeen magaalada Jigjiga.
Goob ay dad barakacayaal ah ku sugan yihiin ayuu ka dhacay dagaalkan ugu dambeeyay, sida uu BBC-da u sheegay Xaaji Cali Muuse oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee gobolka Sitti.
Waxa uu intaas ku daray in isku dhacaas uu sababay khasaare isugu jira 2 dhimasho iyo 3 dhaawac ah.
Qoraalka Codka, Dagaalka Soomaalida iyo Canfarta oo dib u soo cusboonaaday ayaa khasaare sababay
Maamulka Gedo oo gaashaanka u daruuray in la qaado ciidamada aan deegaanka u dhalan.
Maamulka Jubaland ayaa sheegay inuu ka filayo dowladda cusub ee Soomaaliya inay xal waara ka gaarto arrinta gobolka Gedo oo khilaafka ka taagan uu muddo soo jiitamayay.
Juballand ayaa dowladda cusub ka dalbanaysaa in Gedo laga qaado ciidammada aanan sida sharciga ah ku joogin halkaasi.
Dhankooda maamulka gobolka Gedo ayaa waxa ay si diirran u soo dhaweeyeen xilka madaxtinimdada Soomaaliya ee loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.
Hasayeeshee waxa ay gaashaanka u daruureen codsiga ah in ciidammada federaalka halkaas laga qaado iyagoo ku adkaystay in baahidii markii horaba meesha loo geeyay ay taagan tahay.
Qoraalka sawirka, Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed
Eritrea oo ciidamadeeda heegan gelisay.
Dowladda Eritrea ayaa sheegatay iney diyaar u tahay iska caabbinta dagaal ay qorsheynayaan fallaagada TPLF iney dalkooda ku soo qaadaan.
Wasaaradda Warfaafinta Eritrea waxay sheegtay TPLF iney damacsan yihiin Waqooyiga iyo Galbeedka dagaalka iney ka soo qaadayaan, waxayna wasaaraddu sheegtay ciidamadooda iyo kuwa TPLF inuu dagaal ku dhex maray jiidda hore ee Baadme
Asmara waxay sheegtay iney qaadeyso tallaabba kasta oo ay TPLF ku dooneyso iney ku waxyeelleyso Dalka Eritrea iyo Shacabkiisa.Guddiga Xuquuqda Aadanaha Itoobiya dhankiisa wuxuu sheegay iney suuragal tahay dagaal inuu ka dhex qarxo xoogagga TPLF iyo Dowladda Federaalka Itoobiya.
Ciidamada Dowladda Federaalka Itoobiya oo garabsanaya ciidamada Eritrea iyo kuwa dowlad deegaannada waxay dagaal dhiig badan uu ku datay oo socday 17 bilood ay la galeen TPLF.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Atariisho Hindi ah oo u geeriyootay qaliin ay ku dhimeysay miisaankeeda.
Xigashada Sawirka, BANGALORE NEWS PHOTOS
Qoraalka sawirka, atiriisho Chetna Raj
Atariishada telefishanka
Kannada ee lagu magacaabo Chetna Raj, ayaa ku geeriyootay isbitaal si gaar ah
loo leeyahay ku yaalla magaalada Bangalore
ee dalka Hindiya.
Waxaa ay Isniintii martay
qalliin ay dooneysay inay ku dhinto miisaankeeda, balse waxaa biyo ka galay
sambabka, xannuunka ayaana ku sii siyaaday.
Booliska Bangalore
ayaa BBC-da u sheegay in qoyska gabadhan ay marka hore ka keeneen isbitaal kale
kahor inta aysan xannuunka u geeriyoon, waxaa isbitaalka labaad la soo
gaarsiiyay iyadoo miir daboolan.
Dhaqaatiirta ayaa
sheegay in gabadhaasi ay geeriyootay kaddib markii uu wadnaha istaagay.
Chetna Raj, ayaa waxay atariisho ka ahayd film ka bixo
telefishanka Kannada.