Waxaa isa soo taraya cadeymaha muujinaya dilalka dadka rayidka
ah, iyadoo ay dib u guranayaan ciidamada Ruushka.
Wariyeyaasha ku sugan magaalada Bucha, oo ku taalla duleedka
magaalada Kiev ee caasimadda dalka Ukraine ayaa arkay meydad gaaraya ilaa 20
qof oo daadsan waddooyinka.
Wariyaasha ayaa oo booqday goobtaasi ayaa sheegay in qaar
kamid ah dadkaasi la dilay ay ku labisnaayeen dharka rayidka, gacmahoodana ay
gadaal u xirnaayeen iyagoo laga toogtay madaxa. Maayarka magaaladaasi meydadka
laga helay ee Bucha ayaa wakaaladda wararka ee Fransiiska u sheegay in aas
wadareed loo sameeyay dadkaasi la laayay oo gaaraya ilaa 280 qof.
Mar uu jeedinayay hadal muuqaal ah, ayaa madaxweynaha Ukraine,
Volodymyr Zelensky sheegay in Ruushka ay doonayeen inay gacanta ku dhigaan guud
ahaan gobolka Donbas iyo sidookale Koonfurta Ukraine.
Zelensky ayaa hadalkan jeediyay xili dambe, kaddib markii
wasaaradda gaahssnadhigga ee dalkaasi ay sheegtay inay gacantooda dib ugu soo
laabatay dhamaan gobolka Kiev.
Madaxweynaha ayaa ciidamada Ukraine ku amaanay difaacidda
Koonfurta magaala dekedeedka la hareereeyay ee Mariupol, taas oo todobaadyo ay
duqeyn xooggan la beegsanayeen ciidamada Ruushka.
Horaanti todobaadkan, Ruushka ayaa shaciyay inuu yareyn doono
hawlgalka ay ka wadeen magaalada caasimadda ah ee Kiev iyo waqooyiga magaalada Chernihiv, taa bedelkeedna ay diirada saari doonaan
gobolada Bari ee dalka Ukraine.
Dowladda Ukraine ayaa ssheegtay inay xoojinesyo ciidamada ku
sugan Bariga waddanka.