Dagaalka Ukraine: Ruushka oo gebi ahaanba burburiyay warshad sifaysa saliida

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Hani Jeylaani oo ku magac dheer Mama Cambuula

    Hani Jeylaani oo ku magac dheer Mama Cambuula waxa ay ka midtahay dumarka hal abuurka ganacsi ka sameeyay Nairobi, waxa ay banaanka ku iibisaa cambuulo noocyo kala duwan oo ah tii dhaqanka Soomaalida, waxayna BBC-da uga warantay.

  2. Maxaa sababay inay burburto xabad joojintii Yemen ee shalay bilaabatay?

    Labada dhinac ee isku haya Yemen ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu jabiyay xabad joojin Sabtidii bilaabatay oo ay garwadeen ka ahayd Qaramada Midoobay.

    Ciidamada isbaheysiga ee uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar xalay maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran ay ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaala bariga magaalada Ticiz ee Koonfur Galbeed Yemen iyo sidoo kale kuwa kale ee galbeedka ka xiga Macrib.

    Iyadoo xoogaga Xuuthiyiintana ay ku eedeeyeen ciidamada isbaheysiga in ay duqeeyeen Marib sidoo kalana ay saddex qof oo rayid ah ku dileen duqeymo ka dhacay waqooyi galbeed ee gobolka Sacdah.

    Xabbad-joojintan oo loogu talagalay inay socoto laba bilood ayaa ah xabbad-joojintii ugu horreysay ee waddanka oo dhan laga sameeyo tan iyo markii uu bilowday dagaalka toddobada ka socda Yemen kaas oo qarxay sannadkii 2016-kii.

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

  3. Ukraine oo sheegtay in reer galbeedka ay baqayaan inay Ruushka ay ka careeysiiyaan

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Madaxweynaha Golaha Yurub ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray xasuuqa uu Ruushka ka wado magaalooyinka ka baxsan Kyiv, wuxuuna ballan qaaday in uu cunaqabatayn dheeraad ah ku soo rogi doono Moscow.

    Charles Michel waxa uu sheegay in Midowga Yurub ay Ukraine iyo hay’adaha gargaarka ka caawinayaan in ay soo ururiyaan caddaymaha lagama maarmaanka u ah daba-galka maxkamadaha caalamiga ah.

    Britain ayaa sheegtay in weerarradaas loo baaro sida dambiyo dagaal oo kale. Mar sii horeysay, kaaliyaha sare ee madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in xasuuqaasi uu ka dhashay ka dib markii siyaasiyiinta reer galbeedka ay ka baqeen inay ka "xanaajiyaan" Ruushka.

    Maykha-ilo ayaa sheegay in cabsida reer galbeedka laga yaabo in Ruushka ay u fududeyso adeegsiga xeeladaha argagixisanimo ee bahalnimada ah, taasoo keentay in Ruushku dareemo inuu xor u yahay inuu geysto xasuuq iyo kufsi wadareed.

    Sabtidii shalay ahayd saxafiyiinta reer galbeedka ee tagay Bucha, Irpin iyo Hostomel ee waqooyi-galbeed ee Kyiv - waxay arkeen meydad daadsan hareeraha waddooyinka, kuwaas garba-duub u xiranaa.

  4. "Xil ka xayuubinta fashilantay ee Cimraan Khan, shisheeye ayaa ku lug leh"

    Madaxweynaha Pakistan ayaa kala diray baarlamaanka kadib markii uu kula taliyay ra’iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan, kaasoo ka badbaaday tallaabo ay mucaaradka ku doonayeen inay xilka kaga xayuubiyaan. Oggolaanshaha madaxweyne Arif Alvi ee codsiga Khan waxay la macno tahay in doorasho cusub lagu qabto sagaashan maalmood gudahood.

    Go'aankaas ayaa waxa ka dhashay mudaharaadyo ay dhigayaan xisbiyada mucaaradka ah oo sheegay in ay haatan dacwad u gudbinayaan maxkamadda ugu sarraysa dalkaas. Imran Khan ayaa ku sheegay arintaas shirqool Maraykanku wado hase yeeshee Washington way ku gacansaydhay eedaaas.

    Hadaba in uu guul darraysto mooshinkaa kalsooni kala noqoshada ra'isal wasaare Khan muxuu ka dhigan yahay? Maxaase ka dhab ah eedda Imran laftiisu Maraykanka u jeediyey? Dr Axmed-saki Faarax Iidle oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda Islamabad International University kana faalooda diblomaasiyadda iyo siyaaasadda ayaa ka warramaya.

    Qoraalka Codka, .
  5. Raysal wasaare Rooble oo amray in Somaliland lacag loo fasaxo

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 ( Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta DFS. Sida lagu shaaciyay xafiiska Raysal wasaaraha.

    Lacagtan ayaa la sheegay inay tahay deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, si loogu xoojiyo howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

    .
  6. Nin guri u iibiyay qoys qaxooti ah oo ka soo barakacay Ukraine

    Waxaa isa soo taraya cadeymaha muujinaya dilalka dadka rayidka ah, iyadoo ay dib u guranayaan ciidamada Ruushka.

    Wariyeyaasha ku sugan magaalada Bucha, oo ku taalla duleedka magaalada Kiev ee caasimadda dalka Ukraine ayaa arkay meydad gaaraya ilaa 20 qof oo daadsan waddooyinka.

    Wariyaasha ayaa oo booqday goobtaasi ayaa sheegay in qaar kamid ah dadkaasi la dilay ay ku labisnaayeen dharka rayidka, gacmahoodana ay gadaal u xirnaayeen iyagoo laga toogtay madaxa. Maayarka magaaladaasi meydadka laga helay ee Bucha ayaa wakaaladda wararka ee Fransiiska u sheegay in aas wadareed loo sameeyay dadkaasi la laayay oo gaaraya ilaa 280 qof.

    Mar uu jeedinayay hadal muuqaal ah, ayaa madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky sheegay in Ruushka ay doonayeen inay gacanta ku dhigaan guud ahaan gobolka Donbas iyo sidookale Koonfurta Ukraine.

    Zelensky ayaa hadalkan jeediyay xili dambe, kaddib markii wasaaradda gaahssnadhigga ee dalkaasi ay sheegtay inay gacantooda dib ugu soo laabatay dhamaan gobolka Kiev.

    Madaxweynaha ayaa ciidamada Ukraine ku amaanay difaacidda Koonfurta magaala dekedeedka la hareereeyay ee Mariupol, taas oo todobaadyo ay duqeyn xooggan la beegsanayeen ciidamada Ruushka.

    Horaanti todobaadkan, Ruushka ayaa shaciyay inuu yareyn doono hawlgalka ay ka wadeen magaalada caasimadda ah ee Kiev iyo waqooyiga magaalada Chernihiv, taa bedelkeedna ay diirada saari doonaan gobolada Bari ee dalka Ukraine.

    Dowladda Ukraine ayaa ssheegtay inay xoojinesyo ciidamada ku sugan Bariga waddanka.

    Guri

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Guri
  7. Xamar oo laga abaabulayo gurmadka Hargeysa

    Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh Ganacsatada Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlayo sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii ku hanti beeshay dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa.

    Kulanka Ra'isulwasaaraha iyo Ganacsatada

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Kulanka Ra'isulwasaaraha iyo Ganacsatada
  8. Ciidamada amaanka Sri Lanka oo ka hortagay dibad bax ay dhigayeen mucaaradka

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ciidamada amaanka ee dalka Sri Lanka ayaa is hortaag ku sameeyay dibad bax ay dhigayeen mucaaradka magaalada caasimadda ah ee Colombo, iyadoo ay dadku ka careysan yihiin gabaabsiga ku yimid agabka aasaasiga ah.

    Koox ka mid ah hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa isku dayay inay sameeyaan, socod ay kaga soo horjeedaan bandow lagu soo rogay magaalada ka dib mudaaharaadyo looga soo horjeedo sida ay dowladdu u maareysay dhibaatooyinka dhaqaale ayaa isu rogay rabshado. Waxaanu wararka sheegayaan in in ka badan lix boqol oo qof loo taxaabay.

  9. Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda suuqa waaheen ee Hargeysa ku gubtay

    Ganacsatada waratada ah ee suuqa Waaheen ayaa maanta billaabay inay ku ganacsadaan wadooyinka, hase yeeshee waxa ay ka cabanayaan in uu aad sare u kacay sicirka khudaarta.

    Dhanka kale waxaa maanta Hargeysa gaaray wefdi ka socda dowladda Jabuuti.

    Qoraalka Codka, .
  10. Ukraine oo ka hadashay xasuuqa dadka rayidka ee Sabtidii la soo bandhigay

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Kaaliyaha sare ee madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in xasuuqii dadka rayidka ahaa ee Sabtidii lagu soo bandhigay magaalooyinka la xoreeyay ee ka baxsan Kyiv ay mas’uuliyaddeeda qaadayaan siyaasiyiinta reer galbeedka oo ka baqaya "in ay ka xanaajiyaan" Ruushka.

    Sabtidii, saxafiyiinta reer galbeedka ee tagay Bucha, Irpin iyo Hostomel waxay arkeen meydad daadsan hareeraha waddooyinka.

    Ruushka ayaa dhowr gantaal ku garaacay dekedda Odesa ee badda Madow ee Ukraine iyo bartilmaameedyo kale.

    Muuqaal la arkay ayaa waxaa uu muujinayay qiiq madow oo ka soo baxaya xarun warshadeed oo ku taalla Odesa.

    Barasaabka gobolkaKeremen-chuk ee bartamaha Ukraine ayaa sheegay in warshad saliidda sifaysa oo halkaas ku taal ay gubatay ka dib markii ay haleeleen gantaallada Ruushka.

  11. Cimran Khan oo isku dayga xil ka xayuubintiisa ku eedeeyay Mareykanka

    .

    Xigashada Sawirka, EPA

    Madaxweynaha Pakistan ayaa kala diray baarlamaanka dalkaas ka dib markii ay sameeyeen isku day xilka looga xayuubinayo ra'iisal wasaare Imran Khan.

    Arintaan ayaa timid kadib markii gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka uu diiday in codka kalsoonida loo qaado Ra’iisul wasaaraha oo la filayey inuu xilkiisa ku waayo.

    Mr Khan ayaa ku andacoonaya in Mareykanka uu hormuud ka yahay shirqool xilka looga qaadayo ka dib markii uu dhaliilay siyaasadda Mareykanka iyo go'aannada kale ee siyaasadda dibadda ee uu qaatay.

    Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ka hor yimid eedeynta, Mareykankana waa uu diiday. Imran Khan ayaa booqday Moscow si uu ula kulmo madaxweyne Vladimir Putin xilli Ruushku bilaabay duulaanka Ukraine, Waxa uu horay ugu dhaleeceeyay Mareykanka "La dagaalanka Argagixisada".

    Talaabadan ayaa dhalisay dibad bax caro leh oo ay sameeyeen hogaamiyayaasha mucaaradka oo sheegay in haatan ay kiiska u wareejin doonaan maxkamada ugu sarreeysa ee dalkaasi.

  12. Toos: Idaacadda duhurnimo ee BBC Somali

  13. Ra'isal wasaaraha Pakistan oo ka badbady cod kalsooni kala noqosha ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra'isal wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa ka badbady cod kalsooni kala noqosha ah oo awoodda lagaga xayuubinayey hase yeeshee gudoomiye ku xigeenka baarlamanku ku sheegay sharci darro.

    Go'aankaas ayaa waxa ka dhashay mudaharaadyo ay dhigayaan xisbiyada mucaaradka ah oo sheegay in ay haatan dacwad u gudbinayaan maxkamadda ugu sarraysa dalkaas.

    Imran Khan ayaa ku sheegay arintaas shirqool Maraykanku wado hase yeeshee Washington way ku gacansaydhay eedaaas.

    Mr Khan ayaa ahaa nin si weyn uga soo horjeeda musuq maasuqa, waxaana uu xisbiyada mucaaradka ku eedeeyay inay lacago ku bixiyaan xubnaha baarlamaanka si ay isaga u codeeyan, eedeymahaas oo ay beeniyeen kooxaha mucaaradka.

  14. Dabkii Hargaysa kadib waxaa la'isweeydiinayaa waxa qaldamay iyo waxyaabaha la sixi karay

    Dabkii Hargaysa kadib waxaa la'isweeydiinayaa waxa qaldamay iyo waxyaabaha la sixi karay. Haddaba BBC-da waxa ay la hadashay xeeldheere xagga badqabka ah Maxamed Xaaji Oktoobar.

  15. Ruushka oo gebi ahaanba burburiyay xarunta warshadda sifaynta saliidda

    .

    Xigashada Sawirka, AFP

    Warshad saliidda sifeysa oo ku taal bartamaha Ukraine ee magaalada Kremenchuk ayaa gebi ahaanba ku burburtay weerar uu Ruushku ku qaaday xaruntaas, guddoomiyaha gobolka Poltava ayaa sidaa u sheegay telefishinka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.

    "Dabkii ka kacay warshadda sifaynta waa la damiyay, laakiin gebi ahaanba xarunta ayaa baaba'day, mana sii shaqayn karto," Lunin Dmytro Lunin, guddoomiyaha gobolka Poltava ayaa sidaasi yiri.

    Wargeyska The Independent ee ka soo baxa Kyiv ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in weerar gantaal oo ku dhacay warshadda sifeysa saliidda uu burburiyay – oo ah tan ugu weyn Ukraine.

    Kremenchuk waa xarun warshadeed oo muhiim ah oo ku taal bartamaha Ukraine.

  16. Xildhibaanada K/Galbeed oo bilaabay qaadashada shahaadada xilli maamulka uu kalsoonidii kala noqday guddiga doorashada

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Xildhibaanada laga soo doortay Koour Galbeed ee ku jira baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilaabay iney qaataan shahaadada xildhibaanimo ee ay bixinayaan guddiga doorashooyinka heer federaal, arrintan ayaa imaanaysa xilli maamulka Koonfir Galbeed ay sheegeen inay kalsoonidii kala laabteen guddiga doorashada heer federaal.

    Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada xildhibaanimada ee kasoo galay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

    Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id, ayuu sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed lagu cadaadinayo in aysan qaadanin shahaadada, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid meel looga dhacayo karaamada xildhibaanimada.

    Waxaa sidoo kale shahaadada xildhibaanimo Shariif Maxamed Cabdalla oo isagana ka soo jeeda isla Koonfur Galbeed.

  17. Sababta ay ugu muuqato in Ra'iisul wasaaraha Pakistan xilka looga tuurayo

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Ra'iisul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa u muuqdaa in baarlamaanka uu codka kalsoonida kala noqon rabo, si xilka looga tuuro, ka dib markii ay xisbigiisa ka baxeen tiro xisbiyo ah, Weriyaha BBC-da ee Islamabad ayaa sheegaya in caro baahsan ay ka dhalatay sare u kaca qiimaha maciishada ee Pakistan.

    Mr Khan ayaa ahaa nin si weyn uga soo horjeeda musuq maasuqa, waxaana uu xisbiyada mucaaradka ku eedeeyay inay lacago ku bixiyaan xubnaha baarlamaanka si ay isaga u codeeyan, eedeymahaas oo ay beeniyeen kooxaha mucaaradka.

    Sare u kaca maciishada ayaa ah cabashada ku dhawaad ​​dhammaan codbixiyaasha ay sheeganayaan halka la xiray suuqyo kooban oo ku yaala deegaanka doorashada.

    Mr Khan ayaa lagu tiriyaa inuu xukunka la wareegay isagoo gacan ka helaya ciidamada Pakistan, balse hadda dadka indha indheeya siyaasadda ayaa sheegaya in uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo ciidamadiisa.

    Dadka siyaasadda isaga soo horjeeda ayaa ka faa'iidaysanaya fursada shaqo joojinta isagoo, iyagoo ka dhaadhicinaya tiro ka mid ah saaxiibadiisa isbahaysiga inay goostaan.

  18. Sheekh Aadan Madoobe oo qaatay shahaadada xildhibaanimada

    Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada xildhibaanimada ee kasoo galay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

    Isaga oo ka hadlayay shir jaraa’id, ayuu sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed lagu cadaadinayo in aysan qaadanin shahaadada, isaga oo arrintaas ku tilmaamay mid meel looga dhacayo karaamada xildhibaanimada.

    Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaanada ugu baaqay in ay qaataan shahaadooyinka si doorashadii daahday loo dardar galiyo.

    Waxaa sidoo kale shahaadada qaatay mudane Xildhibaan Shariif Cabdalla oo isna kasoo galay Koonfur Galbeed.

    Sheekh Aadan Madoobe

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Sheekh Aadan Madoobe
  19. Cabdikariim Mooge : Qasaaraha dabkii Waaheen waxa uu gaarayaa $2 bilyan

    Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariim Mooge ayaa warbaahinta u sheegay in qasaaraha ka dhacay dabkii 48-da saac baxayay ee qabsaday suuqa weyn ee Hargeysa ee Waaheen in uu gaarayo lacag dhan illaa $2 bilyan oo dólar.

    Dhanka kale waxaa weli socda dedaaladii gebi ahaanba lagu baqtiinayay dabka, laguna nadiifinayay burburkii weynaa ee ka dhashay.

    Hawlaha gurmadka iyo tirakoobka ayaa weli socda, iyada oo dalal iyo hay’adaba ay ku lug leeyihiin ka jawaabista masiibadani.

    Sida ay baahinayso saxaafadda maxaliga ah, shakiga ugu weyn waxa uu ku dhacayaa tasiilaad xumada suuqa, sida waddooyinka iyo qaabkiisa dhismaha oo ahaa mid isku raran oo ay adagtahay in la kala badbaadiyo haddii dab koco.

    Mooge

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, Mooge
  20. Madaxweynaha Ukraine oo ka digay arrin uu Ruushku damacsanyahay

    “Waa maxay hadafka ciidamada Ruushka? Waxa ay rabaan in ay qabsadaan Donbas iyo Koonfurta Ukraine” ayuu yiri madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo hadal-jeedintii maalinlaha ahayd u jeedinayay shacabka dalkaasi.

    Waxa uu sheegay in ciidamada Ukraine ay hadda dedaalkooda u wareejiyay dhanka Bariga, halkaas oo uu tilmaamay in Ruushka ay culeeska isugu geynayaan si ay u qabsadaan.

    Subaxnimadii hore ee saakay, qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlay magaalada dekeda ah ee Odesa ee Badda Madoow ku taala. Lama hubo waxa halkaasi ka dhacay, balse mas’uul dowladda Ukraine ka tirsan ayaa sheegay in duqeyn xagga cirka ah ay dhacday.

    ..

    Xigashada Sawirka, .

    Qoraalka sawirka, .