Maanta oo taladada ah oo ku beegan 15-Mach waxay aheyd
xiliggii loo qorsheeyey in lasoo gaba gabeeyo doorashada ka socda dalka, Koonfur
Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay doorashaada.
69 kursi oo taaley Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed gaar
ahaan labada magaalo ee Baraawe iyo Baydhabo oo doorashooyinka ka dhaceen ayaa
lasoo gaba gabagabeeyey.
Toddobada kursi ee ka harsaneyd doorashada oo maanta lagu
qabtay Magaalada Baydhabo ayaa mid ka mid ah wuxuu ahaa kursi uu sanadihii
lasoo dhaafey ku fadhiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdiasiis xasan Maxamed
lagtagreen,waxaana u tartamay oo kusoo baxay Janaraal Mahad Craxmaan Aadan oo
ah Taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed.
Sidoo kale xubnaha maanta kuraasta u danbeysey Koonfur
Galbeed ka qaatey Waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha gudaha Koonfur Galbeed
Maxamed Abuukar Cabdi,Wasiirka amniga Koonfur Galbeed Isxaaq Cali Subag,
Gudoomiyaha Gobalka Bay Cumar Isxaaq Cali,Gudoomiyaha Ururka haweenka Degmada
Baydhabo Xaawo Sokor Cali iyo xildhibaan Maryan oo sanadihii hore ku fadhidey.
Gudoomiyaha Gudigga doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf
Cabduqadir Maxamed iyo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ahna
Gudoomiyaha Gudigga amniga doorashooyinka Qaranka Janaraal Cabdi Xasan Maxamed
(Xijaar) ayaa guul ku tilmaamay in kuraastii Koonfur Galbeed ee Golaha shacabka
lasoo gaba gabeeyo.
Koonfur Galbeed oo taaley 69 kursi oo Golaha shacabka ah, Waxaa haweenka ay ka helen 13 kursi, sidoo kale Aqalka Sare oo 8 kursi ahaa
ayaa haweenka ka helen 2 xubnood, taas oo ka dhigan in haweenka guud ahaan
Koonfur Galbeed labada aqal ka helen 15 xubnood.