maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa iyagu maanta soo gabagabeeyay doorashada golaha shacabka.
Waqtiga kama dambeysta ee loo qabtay gebagebada doorashada kuraasta golaha shacabka ayaa maanta ku ekeyd.
Xigashada Sawirka, Jubaland tv
Qoraalka sawirka, Warqada shaacinta kuraasta
Israa'iil oo xayiraad ku soo rogtay Itoobiyaanka u cibaadaysi taga dalkeeda
Xigashada Sawirka, AFP
Israa'iil ayaa xayiraad kusoo rogtay xujeyda Itoobiya ee u safraya dalkeeda ciida Easter-ka ee soo socda.
Maamulka Israa’iil ayaa sheegay in dagaalka ka socda waqooyiga Itoobiya dartiis ay ka walaacsan yihiin in qaar badan oo ka mid ah dadka halkaas cibaadada u tagaya aysan dib ugu laaban dalkooda.
Hay’adda dadka iyo socdaalka ayaa u sheegtay wakaaladaha dalxiiska in dadka Itoobiyaanka ah ay qasab ku tahay inay si gaar ah u codsadaan ruqsadaha.
Dalxiiska Itoobiya waxaa si aad ah u saameeyay lix iyo tobankii bilood ee dagaalku socday iyada oo aan la gaadhin meelo badan oo ka mid ah meelaha sida wayn looga ciiday.
Waa kuma sawir qaadaha Fox News ee lagu dilay duleedka Kyiv?
Sawirqaade ka tirsan Fox News, oo lagu magacaabo, Pierre Zakrzewski ayaa la dilay isagoo ka warbixinayay meel ka baxsan Kyiv, sida ay sheegtay shabakaddaas Mareykanka laga leeyahay.
Zakrzewski ayaa la dilay, saaxiibkiis, Benjamin Hall, waa la dhaawacay ka dib markii baabuur ay saarnaayeen uu dab qabsaday shalay gudaha Horenka, oo qiyaastii 20km waqooyi-galbeed ka xigta caasimadda, ayuu yiri madaxa Fox News Suzanne Scott.
"Pierre waxa uu ahaa sawir qaade goobaha dagaalka wax ka soo tabiya kaas oo soo tebin jiray sheeko kasta oo caalami ah oo ku saabsan Fox News laga soo bilaabo Ciraaq ilaa Afgaanistaan ilaa Suuriya muddadii dheerayd ee uu nala joogay," ayay tidhi. "Xamaasadiisa iyo kartidiisa saxafinimo ma ahayn wax la heli karo."
Hall, oo ah 39 jir weriye British ah, ayaa weli lagu daweynayaa isbitaalka dhacdada ka dib.
Saaxibadiisii hore ee Zakrzewski ayaa si weyn ugu baroor diiqay Twitter-ka iyagoo sheegay in uusan jirin "qof loo dhigo.
Maxay tahay sababta uu gobolka Karnataka ee Hindiya u mamnuucay xijaabka?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxkamadda sare ee gobolka Karnataka ee dalka Hindiya ayaa xukuntay in "xijaabku aanu ahayn qayb muhiim ah oo ka mid ah diinta Islaamka", taasoo ah kiis saamayn ku yeelan kara guud ahaan dalka.
Maxkamaddu waxay sidoo kale xoojisay go'aankii hore ee dawladda ee mamnuucayay xidhashada xijaabka ee fasallada.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii dhowr jeer oo hore uu muran ka dhashay arrinta xijaabka oo socday muddo bilo ah.
Kiiskaan ayaa gaaray maxkamada sare kadib markii koox dumar ah oo muslimiin ah ay gudbiyeen codsi ay ku cadeynayaan in dastuurka Hindiya uu u damaanad qaadayo xaqa ay u leeyihiin inay xirtaan xijaabka.
Maxkamadda ayaa ku gacan seyrtay codsigaas, iyadoo sheegtay in maamulka gobolka uu xaq u leeyahay in uu ardayda ku soo rogo dareys isku mid ah.
Madaxweynaha Ukraine oo ugu baaqay ciidamada Ruushka inay isa soo dhiibaan
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa ugu
baaqay ciidamada Ruushka inay isa soo dhiibaan xilli uu dalkiisa saameeyay gantaallada uu Ruushka ku gaaracayo halkaas.
Isaga oo khudbadda ka jeedinayay teleefishinka
qaranka, wuxuu sheegay in ciidamada Ruushka ay khasaare xooggan kala kulmeen
dagaalka Ukraine.
Wuxuu sheegay in durbadiiba uu Ruushka dareemay in
dagaalka uusan ku guuleysan doonin.
Zelensky wuxuu sheegay in
haddii ay qabtaan ciidanka Ruushka ay si wanaagsan ula dhaqmi doonaan.
Xigashada Sawirka, Getty Images
Daawo: Dhiriqda xoolaha oo gaas laga dhaliyay gobolka Faafan
Madaxweynaha Ukraine: Saacado gudahood ayaan ku isticmaalay hubkii nala siiyay
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky wuxuu u
sheegay madaxda Yurub in shacabka dalkiisa ay haatan ku tiirsan yihiin
gargaarka ay u fidiyeen beesha caalamka baddalkii ay caawin lahaayeen dalalka
ka tirsan ururka Nato.
Zelensky oo shirka kaga qeybgalayay muuqaal toos ah wuxuu
madaxda u sheegay inay adeegsadeen hubkii loo soo diray.
“Hubka ina soo gaaray, muddo 20 saacadood gudahood ayaan ku isticmaalnay”
Wuxuu soo dhaweeyay cunaqabateynta reer galbeedka ay ku soo
rogeen Ruushka balse wuxuu dhaleeceeyay dalalka weli la macaamilayo Ruushka.
Madaxweynaha Ukraine wuxuu soo jeediyay in maraakiibta
dagaalka ee Ruushka laga mamnuuco dekedaha caalamka iyo in dhammaan bangiyada Ruushka
laga saaro nidaamka lacagaha ee Swift.
Muuqaal: Taliyihii ciidanka asluubta Soomaaliya oo loo doortay xildhibaan
Sucuudiga oo dib u furay dhoofka xoolaha Soomaaliya
Boqortooyada Sacuudiga ayaa dib u fasaxday xoolihii
Soomaaliya laga dhoofin jiray ee loo iibgeynayey sacuudiga, kuwaas oo sanadihii
u dambeeyay xayirnaa.
Arrintan ayaa
timid kaddib markii ay maanta labada dal magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen
heshiiska dib u furidda dhoofka xoolaha dalka.
Wasiirka xanaanada xoolaha Soomaaliya ayaa BBC-da u
sheegay in tallaabadan ay timid kaddib markii ay dedaal dheer ku bixiyeen
wasaaradda, madaxda dalka iyo ganacsatada qaar. Soomaaliya si toos ah xoola
uguma dhoofin Sacuudiga tan iyo sanadkii 2016-kii.
Dad ku dhintay duqeyn ka dhacday caasimadda Ukraine
Labo qof ayaa ku dhimatay duqeyn lala beegsaday dhismo
ay dad degan yihiin oo ku yaalla caasimadda Kiev, sida ay sheegtay waaxda
gurmadka deg deg ah ee Ukraine.
Waxaana dhismaha laga soo badbaadiyay 35 qof.
Dagaal ayaa ka socdaa magaalada Irpin oo 15 kiiloomitar
u jirta caasimadda, waana goob istaraatiiji ah.
Madaxweynaha Ukraine wuxuu
sheegay in Ruushka uu ogaaday haatan in wax guul ah uusan ka gaarin dagaalka.
Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaarayaasha dalalka Poland,
Czechk Republic iyo Solvenia ayaa u safrayaa Kyiv si ay ula kulmaan madaxweyne Volodymyr Zelensky.
Ilhan Cumar iyo dagaalka Ukraine
Ilhan Cumar: Hadii uu Maraykanku shidaal ka gadanayo Sucuudiga oo Yeman ku duulay, Ma arko sabab Ruushka looga gadan waayo.
Mareykanka oo caddeeyay maqaamka uu ku qaabilayo Muuse Biixi
Waaxda Mareykanka u qaabilsan arrimaha Afrika ayaa soo dhaweysay booqashada madaxweynaha Somaliland uu ku tagey halkaas.
Mareykanka wuxuu sheegay in Somaliland ay kala shaqeynayaan xoojinta xiriirka balse wuxuu ku xiray shuruudda ah in uu ku qaabilyo 'xeyndaabka siyaasadeed' ee ka yaallo Soomaaliya.
"Waxaan soo dhaweyneyaan maanta fursadda aan kula kulmeyno Muuse Biixi si looga hadlo xoojinta wadasheynta Mareykanka ee Somaliland iyadoo aan ku qabileyno xeyndaabka siyaasadeed ee nooga yaallo Soomaaliya".
Madaxwaynaha Jamuhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa waxa uu xalay jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa.
Waxaana khudbadda soo qabanqaabiyay machadka The heritage Foundation ee dalka Mareykanka, wuxuu si wayn uga warbixiyay maraxaldihii ay Somaliland soo martay iyo caqabadihii ay ka soo gudubtay.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka X boggan
Somaliland: “Sheekh Aadan Sunne wuxuu u baxsaday Jubadda Dhexe”
Xukuumadda jamhuuriyadda iskeed ugu
dhawaqday madaxbanaanida ee Somaliland aya shaacisay in sheekha caanka ah ee
Sheekh Aadan Sunne uu ka baxsaday Somaliland islamarkana uu aaday dhanka
koonfurta Soomaaliya.
Wasiirku ku-xigeenka Ammaanka ee
Somaliland Cabdilaahi Xuseen Maxamed oo BBC la hadlay ayaa sheegay in wali ay
wadaan baaritaanada la xiriira baxsashada sheekhani.
“Warka aan heyno wuxuu inoo sheegayaa
in niman ay saaxibo yihiin oo koonfurta jooga oo berigii horeba lagu xaman
jiray in uu afhayeen u yahay uu u tegay..wararka nasoo garaaya waxay sheegayaan
in uu ku sugan yahay gobolka Jubada Dhexe” ayuu yiri Cabdillaahi Xuseen.
Wasiirka ayaa u waramay wariye Xasan Galeydh .
Qoraalka Codka, Sheekh Aadan Sunne
Taliyaha ciidamada asluubta janaraal Mahad oo loo doortay xildhibaan
Maanta oo taladada ah oo ku beegan 15-Mach waxay aheyd
xiliggii loo qorsheeyey in lasoo gaba gabeeyo doorashada ka socda dalka, Koonfur
Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay doorashaada.
Koonfur Galbeed oo taaley 69 kursi oo Golaha shacabka ah, Waxaa haweenka ay ka helen 13 kursi, sidoo kale Aqalka Sare oo 8 kursi ahaa
ayaa haweenka ka helen 2 xubnood, taas oo ka dhigan in haweenka guud ahaan
Koonfur Galbeed labada aqal ka helen 15 xubnood.
Nin cabsan oo la qabtay isagoo Ingiriska ka raadinayay Trump.
Xigashada Sawirka, TWITTER-KA MILDENHALL POLICE
Qoraalka sawirka, .
Booliiska Britain ayaa sheegay in la
xiray darawal looga shakisanyahay inuu cabsanaa kaddib markii uu tagay albaabada
laga galo saldhig millateri oo Mareykanku ku leeyahay gobolka Suffolk, isagoo
raadinaya madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump.
Ninkan ayaa saaka tegay saldhigga ciidanka
ee RAF Mildenhall, isagoo rajeynaya inuu halkaasi ku arki doono madaxweynihii
hore ee Mareykanka.
Booliska Suffolk ayaa sheegay in ciidanka
wasaradda gaashaandhigga ay kala shaqeeyeen xariga ninkaasi. Waxaa sidookale lagu helay dembi ah
inuu jebiyay sharciga u degsan khamriga ee Ingiriiska.
Donald Trump ayaa mar booqday
saldhiggaasi oo uu Mareykanka ku leeyahay Ingiriiska, balse waxay ahayd
sanadkii 2019-kii.
Madaxweynihii hore ee Mareykanka,
Donald Trump ayaa haatan deggan gobolka Florida ee dalkaasi.
Qaar kamid ah madaxda shirkadaha diyaaradaha Muqdisho oo sheegay in dowladda ay dad ka xirxirtay.
Xigashada Sawirka, .
Qoraalka sawirka, Garoonka Aadan Cabdulle.
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la isku af-garan waayay shir magaalada Muqdisho ku dhex maray shirkadaha duulimaadyada iyo wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka .
Waxay kaloo wararku sheegayaan in muddo kooban la xiray qaar kamid ah madaxda shirkadaha, hase yeeshee markii dmbe la soo daayey, waxayna xarigaasi ku eedeeyeen dawladda.
Yuusuf Maxamed oo loo yaqaanno xaaji dool, wakiilka shirkadda halla airlines, ayaa BBC-da u sheegay in shirkaasi uu ku saabsanaa sidii loo dhisi lahaa urur ay ku mideysanyihiin shirkadaha diyaaradaha ka howl gala Soomaaliya.
Waxaa uu dhanka kale beeniyay in shirkadaha ay ku kala qeybsameen arrintan, balse buuqa uu ka dhashay markii wasaaradda ay codsatay in mar kale dib loo dhigo shirkaasi, waa sida uu warka u dhigayee.
BBC-du waxay isku dayeysaa inay la xiriirto dhanka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka si ay uga jawaabaan eedeyntaas.
Soomaalida oo xubno muhiim ah ku yeelatay xisbiga haya talada Itoobiya
Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in shalay
gelinkii dambe magaalada Addis ababa lagu gabagabeeyey shirweynihii xisbiga
talada haya ee Barwaaqo.
Soomaalida ayaa xubno muhiim ah ku yeeshay golayaasha
xisbigaas, ayadoo guddomiye ku xigeenna lo doortay Aadan faarax oo ka soo jeeda
Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Soomaali badan ayaa arrintan u arka inay tahay guul u
soo hoyatay marka la barbar dhigo xilliyadii ka horreeyey maamulka iminka dalka
ka jira.
Qoraalka Codka, Soomaali badan ayaa arrintan u arka inay tahay guul u soo hoyatay.
Ciidamada Ruushka oo burburiyay xargihii korontada ee warshadda nukliyeerka Ukraine
Xigashada Sawirka, Maxar Technologies
Ciidamada Ruushka ayaa burburiyay xargihii korontada ee isku xirayay
warshaddii hore ee Nukliyeerka ee Chernobyl iyo xarunta
korontadda ee aaggaas,
sida ay sheegtay shirkadda tamarta ee Ukraine.
Buburkan ayaa imaanaya xilli dhawaan dib loo soo celiyay
adeegyadii korontada ee warshadda quwadda nukliyeerka Ukraine balse BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin
karto warkan.
Shirkadda tamarta ee dowladda Ukraine kama aysan hadlin in gebi
ahaanba warshadda Nukliyeerka uu ka maqan yahay korontada ama in kale.
Shirkadda maamusha adeegga korontada ayaa codsatay in injineerada
loo ogolaado inay galaan goobta si ay qiimeyn ugu sameeyaan burburka.
Waqooyi galbeed
magaalada Mariupol, Ruushka ayaa dhawaan qabsaday warshadda dhalisa quwadda
korontada ee Zaporizhzhia. Marka ay warshaddaas shaqaynayso waxa ay soo saartaa
ku dhawaad 20% korontada Ukraine, marka in Ruushka ay gacanta u gasho ayaa waxa
ay ka dhigantahay inuu maamulayo quwad badan oo koronto oo ay Ukraine ay
leedahay.
Saameyn ka dhalatay shidaalka Puntland ee qaaliyoobay
Deegaannada Puntland oo uu gaaray sicir bararka shidaalka ee dalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in arrintaas ay saamayn ku yeelatay nolosha dadka danyarta ah iyo kuwa ku nool deegaannada fog-fog.
Gaadiidka booyadaha ee biyaha u dhaamiya deegaannada ay dadkaas ku nool yihiin ayaa la sheegayaa in ay kordhiyeen qiimaha ay biyaha ku geeyaan goobahaas bacdamaa iyagana lagu qaaliyeeyey sicirka shidaalka.
Wariye Axmed Cawil oo dhinacyada arrintan ay saamaynta ku yeelatay la hadlay ayaa warbixintan nooga soo diray Garowe.