War deg deg ah, Milatariga Burkina Faso oo sheegay inay awoodii dalka afgmebi kula wareegeen
Milatariga dalka Burkina Faso ayaa sheegay inay awoodda dalka afgembi kula wareegeen.
Sarkaal ka tirsan ciidammada ayaa hadalkaasi ka sheegay telefishinka qaranka dalkaasi.
Afgembigan ayaa yimid maalin ka dib markii ciidammo gadoodsan ay la waregeen saldhigyada milatariga, rasaasna laga maqlay caasimadda.
Ciidammada ayaa ku edeynaya dowladda inay ku guul darreysatay inay siiso taageero ku filan oo ay kula dagaalamaan mintidiinta Islmaaiyiinta ah.