Sarkaal ka tirsan ciidammada ayaa hadalkaasi ka sheegay telefishinka qaranka dalkaasi.
Afgembigan ayaa yimid maalin ka dib markii ciidammo gadoodsan ay la waregeen saldhigyada milatariga, rasaasna laga maqlay caasimadda.
Ciidammada ayaa ku edeynaya dowladda inay ku guul darreysatay inay siiso taageero ku filan oo ay kula dagaalamaan mintidiinta Islmaaiyiinta ah.
Soomaaliya diyaar ma u tahay inay AMISOM kala wareegto amniga?
Dowladda Soomaaliya ayaa dhammaadka sanadka soo aaddan waxaa lagu wareejin doonaa ammaanka dalka.
Arrintan ayaa Golaha amniga iyo nabgalyada ee Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya waxa ay iskula garteen in lagu hirgaliyo sida ugu fudud, iyadoo hawlgalka Midowga Afrika ee Somalia-na laga beddeli doono magaca AMISOM.
Qorshuhu waxa uu yahay in wixii intaas ka horreeya ciidammada Soomaaliya loo diyaariyo qaabka ay ammaanka dalka ula wareegi lahaayeen.
Haddaba intaan mudadaas la gaarin maxay tahay tallaabooyinka ay tahay inay Soomaaliya ka guulgaaro? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaan hordhigay Janaraal Cabdullaahi Aaden Xuseen (Cirro), taliyihii hore ee qeybta 21-aad ee milateriga Soomaaliya, haatanna ka faallooda arrimaha ammaanka.
Dhacdo naadir ah oo qabsatay diyaaarad ka duushay Nairobi
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, Wiilkan yar ayaa laga helay isagoo ku jira halka la geliya taayarada diyaaradda marka ay duusho
Booliska dalka Holland ayaa
xaqiijiyey in qofkii laga helay isagoo nool lugta diyaarad xamuul oo ka dagtay magaalada
Amsterdam ee dalka Holland uu yahay 22 jir ah u dhasahay Kenya .
Ninkan ayaa qorshihiisu ahaa in uu magangalyo ka helo dalka Holland.
Ninkaas ayaa haatan miyir qaba wuxuuna awoodaa in uu dadka la xiriiro
haatanna waxaa lagu daweynayaa cusbitaal.
Diyaardda laga helay ninkaas
ayaa ka soo duushay magaalada Johannesburg ee dalka koofur Afrika waxayna ku hakatay magaalada Nairobi ee dalka
Kenya
Boliiska Holland ayaa haatan
baaraya haddii uu ninkaas diyaaradda ka soo raaacay Koofur Afrika ama Kenya.
Afhayeen u hadlay boliiska
milatariga ee dalka Holland ayaa BBCda u sheegay ‘’ waxaa la filayaa in uu
magangalyo weydiisan doono dalka Holland laakiin ‘’daweyntiisa ayaa mudnaanta
leh hadda."
Waa wax naadir ah in qof uu ka
badbaada safar diyaaradda lugteeda isagoo ku jira maadama uu jira qabow badan iyo
jooga oo sareeya islamarkaana ay yartahay hawada oksijiinta.
Duulimaadyada ka yimaada Johansburg
ee ku socda Amsterdam waxay ku qaadataa safarka 11 saacadood.
War deg deg ah, Weerar khasaare gaystay oo ka dhacay Jarmalka
Nin hubeysnaa ayaa dhowr qof ku dhaawacay hoolka Jaamacadaha ee magaalada Heidelberg ee dalka Jarmalka,sida ay sheegeen booliska dalkaas.
Booliska ayaa sheegay inuu dhintay ninka weerarka gaystay oo haystay "Qori dheer", waxaana howlgal ballaaran oo ay ku jiraan kuwa gurmadka uu hadda ka socdaa xaafadda Neuenheimer Feld ee magaaladaas.
Lama oga inta qof ee weerarkan ku dhaawacmay.
Booliiska ayaa dadka ka codsaday inay ka fogaadaan aagga uu weerarka xilli uu halkaas ka socoto adeegyada gurmadka deg dega ah.
Fatwa laga soo saaray dadka Muslimiinta ee jirkooda shaabbada ku dhejiyo
Hay'adda ugu sarreysa ee culumada Turkiga ayaa ugu baaqday Muslimiinta jirkooda shaabbada ku dhejiyo inay towbad keenaan haddii ay awoodi waayaan inay jirkooda ka tirtiraan, sida uu sheegay wargeyska Hurriyet Daily News ee ka soo baxa dalkaTurkiga.
"Qofka shaabad ku leh jirkiisa waa inuu iska tirtiraa haddii ay suurtagal tahay, waana inuu Ilaahay u toobad keenaa haddii ay shaabadda baabi'weyso ,” ayuu yiri agaasimaha hay'adda Arrimaha Diinta
Sharcigan ayaa yimid ka dib markii la sheegay in madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu ku canaantay wiil dhalinyaro ah oo ciyaara kubbadda cagta shaabadda. "Waa maxay shaabadda? Maxaad jirkaaga sidaas ugu dhaawacaysaa? ayuu yiri madaxweynaha , arrintaas oo sababtay in madaxweynaha uu la kulmo eedeymo badan oo la xirriira hadalkaas.
Si kastaba ha ahaatee, maamulka ayaa xusay inay xaaraan tahay shaabadda. Tani waxay daba socotaa go'aan dawladeed oo la soo saaray bishii Sebtembar 27, 2014-kii kaas oo lagu mamnuucay nidaamka lebiska ee dugsiyada dadweynaha.
Maamulka Banaadir oo soo saaray war la xirriira muuqaal laga duubtay Carruur shiishad cabaya
Xigashada Sawirka, social media/facebook
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigen haweenay muuqaal ka duubtay carruur ay dhashay oo aad u da’yar, muuqaalkaas oo argagax galiyay bulshada Soomaaliyeed.
Muuqaalka ayaa hadal hayn badan ka dhaliyay dhanka baraha bulshada.
Qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Cali yare Cali, ayaa wuxuu ku sheegay inay ku guulaysteen in ay soo qabtaan Haweenayda, kadib howgallo ay sameeyeen.
Safiir Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo ka dagay Muqdisho
Xigashada Sawirka, U.S. Embassy Mogadishu, Somalia
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dagay Ambassador Larry André oo ah safiirka uu Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya bishii Abriil sanadkii hore.
Safiirka ayaa la sheegay inuu aad u daneynayo in uu la shaqeeyo shacabka Soomaaliyeed, dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka "si aan u horumarinno ujeeddada aan wadaagno ee ah in Soomaaliya noqoto dal amni ah, barwaaqo ah oo dimoqraadi ah." ayaa la yiri qoraal lagu shaaciyay twitter-ka safaaradda.
Larry Edward André, Jr, waa sarkaal sare oo muddo ku soo dhexjiray Adeegga Arrimaha dibadda ee dowladda Mareykanka.
Safiirka ayaa wuxuu Mareykanka u qaabilsanaa dalka Jabuuti tan iyo horraantii sannadkii 2017-kii.
André, wuxuu fursad u helay in seddaxdii madaxweyne ee Mareykanka ee ugu dambeeyay uu u noqdo wakiil, ugana howlgalo dalal Afrika ku yaalla.
Dad reer guuraa ah oo ku dhaqan deegaanka Carro weyn ee bariga Soomaaliya ayaa xeryaha ay xoolaha ugu xaroodaan ka sameystay dhagax halkii ay geedo ka oodan lahaayeen. Waxay sharraxayaan sababta arrintaas ku kalliftay iyo sida ay howshaas u fuliyaan.
Maxay Ingiriiska iyo Mareykanka uga la baxayaan muwaadiniintooda Ukraine?
Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee waddanka Britain ayaa sheegtay inay qaar ka mid ah shaqaalaha iyo dadka ku tiirsan ay ka soo saarayso safaaraddeeda Ukraine, iyadoo arrintaas kaga jawaabaysa waxa ay ku tilmaamantay halista sii kordhaysa ee ka imanaysa waddanka Ruushka.
Talaabadan ayaa imanaysa xilli goor sii horraysay ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ay amartay in Ukraine ay isaga baxaan dhammaan qoysaska diblumaasiyiinta dalkaasi ku sugan.
Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in hadda aan la joogin xilligii uu cunaqabateyn ku soo rogi lahaa Ruushka oo lagu eedeeyay inuu duulaan ku yahay dalka deriska la ah ee Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Maraykanka ayaa ku baaqay in xukuumadda Washington ay cunaqabateynta soo rogta hadda, balse xoghayaha arrimaha dibedda, Antony Blinken, ayaa sheegay in haddii tallaabadaas la qaado ay wax u dhimi doonto dedaallada looga hortagayo duulaanka laga baqayo in Ruushka uu ku qaado Ukraine.
Hadal-hayn ka dhalatay qaabka uu Priyanka Chopra cunugeeda ku dhashay
Xigashada Sawirka, EPA
Atiriishada Aflaanta Bollywood Priyanka Chopra, iyo heesaaga caanka ah Nick Jonas, ayaa shaaca ka qaaday maalintii Jimcaha ahayd inay soo dhaweeyeen ilmahoodii ugu horreeyay ee ay uurkiisa qaaday haweenay kale.
Priyanka iyo Nick ayaa lama filaan uga dhigay taageerayaashooda shaacinta arrinkan oo ay ku baahiyiyeen baraha bulshada taasi oo hadal hayn badan keentay.
Labada waalid ee cusub ayaa sheegay inay hadda ku mashquulsan yihiin daryeelka cunugooda dhawaan dhashay.
Dumarka ilmaha dhala ayaaa mararka qaar lacag badan lagu siiyaa, si ay awlaad ugu dhalaan dadka kale. Dalalka qaar oo ay kamid tahay dalka Mareykanka ayaa dadku waxaa ay ka sameeyaan dhaqaale badan marka ay qoys kale uur u qaadan.
Priyanka Chopra oo 36 jir ah, caan na ku ah aflaanta Hindiga iyo Nick Jonas oo 26 jir heesa ah, una dhashay Mareykanka ayaa 2018-kii ku aqal galay dalka Hindiya.
Chopra, waxa ay ka mid tahay atiriishooyinka ugu mushaarka badan ee Aflaanta Bollywood-ka, Priyanka ayaa sanadkii 2000 ku guulaysatay abaalmarinta quruxda ee adduunka.
Macluumaadkan waxaa daabacay Instagram. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Instagram xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Digniin: BBC macluumaadka ku qoran bog kale masuul kama ahan
Dhammaadka Instagram boggan
Abaaro ba'an oo laga soo sheegayo gobalka Gedo
Abaar iyo biyo yari ba’an ayaa laga soo sheegayaa qeyb badan oo kamid ah gobolka Gedo, halkaas oo roobab wanaagsan aysan ka di’in saddexdii sano ee la soo dhaafay.
Xoolo badan ayaa lagu soo warramayaa inay ku le’deen deegaannadaas, iyadoo ay khatar xoogga wajahayaan dadka reer miyig ah.
Milateriga Burkina Faso oo la sheegay inay xireen madaxweynaha dalkaas
Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Burkina Faso, Roch Kabore, ayaa lagu soo waramayaa in ay xabsiga dhigeen askar ka tirsan ciidamada gadoodsan.
Qaar ka mid ah ciidamada ku sugan dalka Galbeedka Afrika ayaa dalbaday in shaqada laga eryo taliyayaasha ciidamada xilli rasaas laga maqlay agagaarka madaxtooyada iyo caasimadda Ouagadougou.
Hase yeeshe, dowladda ayaa beenisay wararka sheegaya afgambiga militariga ama in madaxweynaha la xiray
Farriimo lagu baahiyey barasha bulshada ayaa sheegay in madaxweyne Roch Kabore la xiray laguna baddalay sarkaal ka tirsan ciidamada lugta oo magaciisa lagu sheegay Corneel Paul Henri Sandaogo Damiba, inkasta oo aan warkaasi weli la xaqiijin.
Mar sii horreysayna shacabka magaaladaasi deggan iyo wariyeyaashuba waxay sheegayeen iney maqlayaan rasaas dhaceyso iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca oo magaalada dul heehaabaya.
Madaxweyne Roch Kabore waxaa shacabka iyo ciidamada qalabka sidaba uga imanayey cadaadis ku aaddan iney dowladdiisu ku guul darreysatay wax ka qabashada kooxaha Islaamiyiinta xagjirka ah.
Af-hayeenka ururka ONLF, Cabdiqaadir Caddaani Hirmooge, ayaa BBC-da uga warramay sida ay u arkaan go'aankii kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka noqotay qaraarkii ay ururkan horay ugu dartay liiska argagixisada.
Qalbi dhagax miyuu cafiyay dowladda Soomaaliya ka dib go’aankii shalay?
Waxaa kulan ay shalay yeesheen Golaha Wasiirrada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ku ansixiyeen in laga laabto go’aan ay horay gaareen Golaha Xukuumaddii Xassan Cali Khayre ugu aqoonsatay ururka ONLF urur agagixiso ah.
Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka hadlay go’aankii shalay ee Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo go'aanka ay dowladda Soomaaliya ururka ONLF uga saartay liiska argagixisada.
Isagoo u muuqda in uu weli tabasho qabo, ayuu dhanka kale muujiyay inuu ku faraxsan yahay go’aanka kasoo baxay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
“Dambiga umadda Soomaaliyeed laga galayo waa laga xisaabtamayaa laakiin waan ku qanacsanahay go’aanka soo baxay ee ay gaareen xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha. Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay waxaana u diyaar garoobeynaa xaflado waaweyn oo aan arrintaas ugu dabaaldegno,” ayuu yiri.
Qalbi Dhagax waxa uu muddo dheer ka mid ahaa jabhadda ONLF, xilal kala duwan ayuuna kasoo qabtay, xilkii ugu dambeeyey ee uu ka hayay waxa uu ahaa hoggaanka arrimaha gudaha iyo xubin ka tirsan guddiga fulinta ee ugu awoodda badan jabhadda sida ay noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan ONLF.
Sidaasi darteed wuxuu noqonayaa xubinkii ugu sarreeyay ee ONLF ka tirsan oo u gacangala Itoobiya, balse ma ahan kan kaliya ee Soomaaliya gudaheeda inta laga qabto loo wareejiyo Itoobiya.
Mareykanka oo soo saaray digniin ku saabsan dagaalka laga cabsanayo inuu ka qarxo xadka Ukraine
Xigashada Sawirka, Reuters
Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in muwaadiniinta Mareykanka aysan u safrin Ruushka xilli uu socdo qorshaha Moscow ee ah in tallaabo milatari oo muhiim ah laga qaado Ukraine.
Waxay sheegtay in safaaradda Mareykanka ee Moscow ay yeelan doonto awood xaddidan oo ay ku caawiso dadka Mareykanka ah ee halkaas ku sugan.
Waaxda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale soo saartay awaamiirta shaqaalaheeda jooga Ukraine.
Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in hadda aan la joogin xilligii uu cunaqabateyn ku soo rogi lahaa Ruushka oo lagu eedeeyay inuu duulaan ku yahay dalka deriska la ah ee Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskiy iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Maraykanka ayaa ku baaqay in xukuumadda Washington ay cunaqabateynta soo rogta hadda, balse xoghayaha arrimaha dibedda, Antony Blinken, ayaa sheegay in haddii tallaabadaas la qaado ay wax u dhimi doonto dedaallada looga hortagayo duulaanka laga baqayo in Ruushka uu ku qaado Ukraine.
Haseyeeshee Blinken ayaa wacad ku maray in jawaab ku haboon laga bixin doono haddii Ruushka uu weerarro dalkaas deriska la ah.
Assalaamu Calaykum
Subax wanaagsan. Kusoo dhawaada tebinta tooska ah ee BBC Somali.
Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay ee Soomaalida, iyo caalamkaba.