Sharci
cusub oo ay soo rogtay Taalibaan , ayaa haweenka looga mamnuucay inay ka soo
muuqdaan riwaayadaha ka baxa telefishinnada dalka Afgaanistaan.
Gabdhaha
saxafiyiinta ah iyo kuwa warka ka tabiya telefishannada ayaa sidoo kale lagu
amray inay xirtaan Xijaab, inkastoo hab-raacyadu aysan
sheegin nooca la isticmaalayo.
Weriyeyaasha
ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xeerarka ay yihiin kuwo aan caddeyn oo ay ku
habboon yihiin in la sharraxo.
Taalibaan ayaa la wareegtay awoodda Afgaanistaan bartamihii bishii Ogoosto, waxaana dad
badan ay ka cabsi qabaan in ay si tartiib tartiib u soo rogayaan xayiraado
adag.
Kooxda
islaamiga ah ee la wareegtay gacan ku heynta kadib bixitaanka ciidamada
Mareykanka iyo xulafadiisa, ayaa islamarkiiba ku amray gabdhaha iyo haweenka
dhalinyarada ah in ay guryahooda joogaan oo aysan iskuulada aadin.
Xilligii
ay horey tallada dalka u hayeen ee sagaashamaadkii, ayaa haweenka waxaa laga
mamnuucay waxbarashada iyo goobaha shaqada.
Nidaamkii
ugu dambeeyay ee tilmaamaha Taalibaan ay soo rogeen ee la siiyay kanaalada
telefishinnada Afgaanistaan, ayaa qeexaya sideed xeer oo cusub.
Waxaa
ka mid ah, mamnuucidda filimada loo arko inay ka soo horjeedaan mabaadi'da
Shareecada Islaamka ama sharciga iyo qiyamka Afgaanistaan, halka muuqaalka
ragga ee muujinaya qaybaha jirka ay mamnuuc tahay.
Telefishinada
Afqaanistaan ayaa soo bandhigaya inta badan riwaayado ajnabi ah oo ay
sameynayaan jilayaal dumar ah.
Xubin
ka tirsan urur ay leeyihiin suxufiyiinta Afgaanistaan ku sugan oo lagu
magacaabo Xujjatullah Mujaddedi, ayaa sheegay in ku dhawaaqista xayiraadaha
cusub ay tahay mid lama filaan ah.