Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo weerar kulul ku qaaday R/wasaare Rooble

Ku soo dhawaada tebinta tooska ee BBC Somali

Tebin toos ah

  1. Ninkii gaariga dadka ku jiirsiiyey Maraykanka oo la aqoonsaday

    ,

    Xigashada Sawirka, JESUS OCHOA/VIA REUTERS

    Saraakiisha Maraykanka ayaa aqoonsaday ninkii dadka dabbaaldagaya gaariga ku jiirsiiyey gobolka Wisconsin, sida ay ku warrantay warbaahinta Maraykanku.

    Ilo wareegyo ayaa warbaahinta Maraykanka u sheegay in Darrell Brooks uu ahaa ninkii gaariga jiirsiiyey dadkii magaalada Waukesha ugu dabbaaldagayey ciidda masiixiga, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof halka afartan kalena ay ku dhaawacmeen.

    Carruur kuwa iskuulka ah iyo dad qoob ka ciyaar samaynayey ayaa la rumaysan yahay in ay ku jireen dadkii dhibaatadu ka soo gaartay mashaqadii Axaddii halkaa ka dhacday.

    Booliisku wali si rasmi ah uma magac dhabin qofka la tuhunsan yahay.

    Sid ay saraakiishu sheegeenna falkani “haatan” uma muuqdo mid argagixiso.

  2. Kenya: Dadka aan la tallaalin waxaa laga mamnuuci doonaa goobaha dadweynaha

    ,

    Xigashada Sawirka, AFP

    Shacabka Kenya ayaa loo diidi doonaa baararka, maqaayadaha, iyo gaadiidka dadweynaha wixii ka bilowda 21 December haddii aysan si buuxda isaga tallaalin cudurka Covid-19, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka dalkaas, Mutahi Kagwe.

    Tallaabooyinkaan ayaa looga golleeyahay in la kordhiyo xaddiga tallaalka ka hor inta aan la gaarin xilliga fasaxa ah.

    Wax ka yar 10% dadweynaha Kenya ayaa haatan la tallaalay.

    Mr Kagwe ayaa walaac ka muujiyey tallaal qaadahsada oo si gaabis ah ku socota, asagoo sheegay in 10 cisho oo ol’ole tallaal ah uu bilaaban doono 26-ka November.

    Inkasta oo uu jiro walaac laga qabo in qaar ka mid ah dalalka Afrika ay ka jirto gabaabsi tallaal, haddana dowladda Kenya ayaa ku kalsoon in ay ku filan tahay ololaheeda tallaalka.

    War qoraal ah ayaa Mr Kagwe wuxuu ku sheegay in kiisaska cudurka Covid-ka ee Kenya ay hoos u dheceen labadii bilood ee la soo dhaafay.

  3. Saraakiisha Sudan oo xabsiga ka sii daayey siyaasiyiin rayid ah

    ,

    Xigashada Sawirka, AFP

    Saraakiisha Xukuma dalka Sudan ayaa xabsiga ka sii daayey siyaasiyiin rayid ah oo la xir xiray afgambigii bishii hore ka dib.

    Hoggaamiyaha xisbiga Sudan Congress, Omar al-Degeir, ayaa Wakaaladda Wararka ee Faransiiska u sheegay in habeenkii Axadda laga sii daayey meel uu kaligiis ku xirnaa oo uu ku go’doonsanaa.

    Waxaa sidoo kale la sii daayey siyaasiyiin kale, oo ay ku jiraan kuwo ka tirsan xisbiga ugu weyn dalkaas ee Umma.

    Xubno ka tirsan xukuumaddii ku meel gaarka ahayd ee la kala diray ayaa si xooggan u cambaareeyey heshiiskii Axaddii ee dib xukunka loogu soo celiyey Ra’iisal Wasaare, Abdalla Hamdok, waxayna tallaabadaas ku tilmaameen mid khiyaano ah.

    Dadka militariga dhaliilsan ayaa shaki ka qaba in ra’iisal wasaaraha iyo xukuumaddiisa awood loo siin doono in dalka ay si fiican u maamulaan iyo in kale.

  4. Wareysiga BBC da ay la yeelatay Nimco Happy oo dhameystiran

  5. Tartan dhanka gabayada ah oo lagu soo gebagabeeyay Muqdisho

    Magaalada Muqdisho ayaa maanta looga dhawaaqay xulitaanka dadkii ku guuleystay Tartanka Gabayada Hoyga Maansada 2021.

    Tartanka oo ay maalgalinaysay Qaramada Midoobay ayaa ahaa sedex heer oo kala ah Gabayaaga ugu wanaagsan sanadka, Gabadha ugu Gabay wanaagsan Gabdhaha Gabya iyo Abwaanka da’da yar ee sanadka.

    Ku dhawaad shan boqol oo qof ayaa soo dalbaday ka qayb galka tartanka.

  6. Gaari la jiirsiiyay dad Mareykanka ugu debaaldegayay Ciidda Masixiiga

    .

    Xigashada Sawirka, CITY OF WAUKESHA/FACEBOOK VIA REUTERS

    Gaari ayaa waxaa la jiirsiiyay dad u debaaldegayay Ciidda Masixiiga oo ku sugnaa gobolka Wisconsin ee waddanka Mareykanka, iyadoo halkaasna ay ku dhinteen ugu yaraan shan qof.

    In ka badan 40 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerrarkaasi.

    Booliska magaalada ay dhibaatada ka dhacday ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen qofka laga shakisanyahay inuu weerrarkaasi gaystay.

  7. Maamulka Gedo oo sheegay in afar qof ay marayso tirada dadka gaajada iyo oonka u dhintay

    Maamulka gobolka Gedo ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof ay marayso tirada dadka gaajada iyo oonka ugu dhintay gobolka, arrintaas oo ka dhalatay xaalad darran oo abaar ah oo fara ba'an ku hayso deegaannada gobolka.

    Gobolka Gedo ayaa ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay saameysay abaarta kaddib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta.

    Dhawaan ayay ahayd markii Qaramada Midoobey ay sheegtay in bisha May ee sanadka soo socda 7.7 milyan oo qof Soomaaliya ku nool ay kaalmo bani'aadanimo doonaan.

    Arrimahaasi ayaan goor dhaweyd ka wareysanay guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex).

    Qoraalka Codka, .
  8. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo weerar kulul ku qaaday R/wasaare Rooble

    .

    Xigashada Sawirka, Cabdiraxmaan Cabdishakuur

    Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku weeraray ra'iisal wasaaraha Soomaaliya isaga oo sheegay in Rooble lagu aaminay oo uuna ballanqaaday arrimo dhowr ah oo ay doorashada iyo kiiska Ikraam Tahliil ka mid yihiin.

    "Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. " Ayuu ku yiri qoraalkiisa

    "Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan." Ayuu isla qoraalkiisa raaciyay.

    "Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa. Waxaan oo idil waxey dhaceen, kaddib safarkii shakiga dhaliyey ee uu Raysalwasaaruhu dalka Qatar ku tegey. "

    "Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo. In uu ogyahay terminal khaaska ee Garoonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaaradaha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. "

  9. Taalibaan oo sharci cusub ku soo rogtay gabdhaha saxafiyiinta ah

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Sharci cusub oo ay soo rogtay Taalibaan , ayaa haweenka looga mamnuucay inay ka soo muuqdaan riwaayadaha ka baxa telefishinnada dalka Afgaanistaan.

    Gabdhaha saxafiyiinta ah iyo kuwa warka ka tabiya telefishannada ayaa sidoo kale lagu amray inay xirtaan Xijaab, inkastoo hab-raacyadu aysan sheegin nooca la isticmaalayo.

    Weriyeyaasha ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xeerarka ay yihiin kuwo aan caddeyn oo ay ku habboon yihiin in la sharraxo.

    Taalibaan ayaa la wareegtay awoodda Afgaanistaan ​​bartamihii bishii Ogoosto, waxaana dad badan ay ka cabsi qabaan in ay si tartiib tartiib u soo rogayaan xayiraado adag.

    Kooxda islaamiga ah ee la wareegtay gacan ku heynta kadib bixitaanka ciidamada Mareykanka iyo xulafadiisa, ayaa ​​islamarkiiba ku amray gabdhaha iyo haweenka dhalinyarada ah in ay guryahooda joogaan oo aysan iskuulada aadin.

    Xilligii ay horey tallada dalka u hayeen ee sagaashamaadkii, ayaa haweenka waxaa laga mamnuucay waxbarashada iyo goobaha shaqada.

    Nidaamkii ugu dambeeyay ee tilmaamaha Taalibaan ay soo rogeen ee la siiyay kanaalada telefishinnada Afgaanistaan, ayaa qeexaya sideed xeer oo cusub.

    Waxaa ka mid ah, mamnuucidda filimada loo arko inay ka soo horjeedaan mabaadi'da Shareecada Islaamka ama sharciga iyo qiyamka Afgaanistaan, halka muuqaalka ragga ee muujinaya qaybaha jirka ay mamnuuc tahay.

    Telefishinada Afqaanistaan ​​ayaa soo bandhigaya inta badan riwaayado ajnabi ah oo ay sameynayaan jilayaal dumar ah.

    Xubin ka tirsan urur ay leeyihiin suxufiyiinta Afgaanistaan ​​ku sugan oo lagu magacaabo Xujjatullah Mujaddedi, ayaa sheegay in ku dhawaaqista xayiraadaha cusub ay tahay mid lama filaan ah.

  10. Rafaad intee le'eg ayay reerguuraaga Soomaalidu u maraan raadinta daaqa iyo biyaha?

    BBCda ayaa raacday mid kamid ah reero usoo hayaamay dhulka daaqa leh ee u dhaw degmada Dhahar.

  11. "Jacayl dhiig ma lagu qoray" Safiya Tusma oo arooskeedii hadal haynta dhaliyay ka qaaday heestan

    Safiya Tusma iyo Seygeeda

    Xigashada Sawirka, HORN CABLE

    Safiya Tusmo oo ah gabadh fanaanad ah oo si weyn baraha bulshada looga hadal hayay meherkeeda oo ahaa 120 neef oo geel ayaa arooskeeda oo xalay dhacay Magaalada Jigjiga waxa ay ka qaaday heestii fanaanadda weyn ee Xalimo Khalif Magool Allaha unaxariistee oo ahayd "Jacayl Dhiig ma lagu qoray".

    Dadka qaar ayaa waxay ku tilmaameen meherka fanaanadda midkii ugu qaalisanaa abid.

    Muuqaalkan oo ay baahisay warbaahinta Horn Cable ayaa waxa si wada jir ah heesta ugu ciyaarayay fanaanadda iyo seygeeda cusub xilli ay dad badan oo munaasabadda arooska lagu casuumayna ay daawanayeen..

  12. Maxay gabdhaha Kenyaanka uga daba dhaceen ninkii soo helay maxaabiista "halista ahayd"?

    .

    Xigashada Sawirka, THE STAR

    Wax yar uun ka dib markii Paul Mwaniki uu shacabka uga sheekeeyay sida uu dadaalkiisa ugu caawiyay booliiska in ay soo qabtaan saddex ka mid ah maxaabiista xabsiga Kamiti, ayaa qaar ka mid ah haweenka Kenya ay bilaabeen in ay ka dabadhacaan ninkan.

    Haween badan ayaa ninka ku tilmaamay inuu aad u qurux-badan yahay.

    Dawladda Kenya ayaa u ballan qaadday in la siin doono 60 milyan oo lacagta dallkas oo u dhiganta 60 kun oo doollar, dadka Kenyanka ah ayaa barta Twitter-ka ku cadaadiyay dowladda inay siiso Mwaniki abaal-marintiisa ka dib markii uu gacan ka geystay in gacanta lagu soo dhigo maxaabiistii ka baxsatay xabsiga Kamiti ee aadka loo ilaaliyo.

    Qaar ka mid ah haweenka dalka Kenya ayaa muujiyay sida ay ula dhacsan yihiin Mwaniki, iyaga oo amaanay geesinimadiisa iyo "muuqaalkiisa wanaagsan."

    Mwaniki, oo deggan Ismaamulka Kitui, ayaa warbaahinta u sharraxay sida ay ugu suurogashay in uu helo saddexda nin ee lagu raadjoogay oo la kala yirahdo; Musharaf Abdalla, Mohamed Ali Abiikar iyo Joseph Juma Odhiambo. Waxa uu sheegay in . "si qarsoodi ah ay ku socdeen iyaga oo aan ka fogaanayn waddada si aysan u lumin."

    Arbacadii madaxweynaha Kenyatta , Uhuru Kenyatta ayaa shaqada ka eryay taliyaha xabsiyada dalkaas, Wycliffe Ogallo.

    Wuxuu magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo John Warioba.

    Madaxweynaha ayaa ugu baaqay laamaha amniga in ay adeegsadaan wax kasta oo ay awoodi karaan si loo soo qabto maxaabiista.

    Shaqada ka eryidda sarkaalkan ayaa imaaneysaa xilli Kenya ayaa ku raad joogto maxaabiis ka baxsatay xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Kamiti.

    .

    Xigashada Sawirka, The STARA

  13. Maxay hooyada Ikraam Tahliil ka tiri go'aanka natiijada hor dhaca ee shalay la soo saaray?

    Guddigii loo xilsaaray baarista Kiiskii Ikraan Tahliil Faarax ayaa soo saaray Natiijo horu-dhac u ah baaritaankii ay sameeyeen waxaana Natiijada hordhaca ah lagu sheegay in baritaan lagu sameeyay dhinacydii lagu tuhunsanaa kiiska Ikraan.

    Janaraal Cabdullahi Buulle Kameey Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka oo natiijadan hor-dhaca ka baahiyay Telefeshinka Qaranak Soomaaliya ayaa ka hadlaya sida baaritaanku u dhacay.

    Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in aysan helin wax cadeyn ah oo muujinaya in Ikraan Tahliil ay ku maqan tahay gacanta saraakiisha hay'adda sirdoonka ee NISA.

    Dhanka kale Qaali Maxamuud Guhaad, oo ah hooyada dhashay Ikraam Tahliil Faarax, ayaa natiijada horu-dhaca ah ee laga soo saaray baaritaankii lagu sameyay kiiska gabadheeda waxay ku tilmaantay mid cadaalad daro isla markaana aaney aqbali doonin.

    Qoraalka Codka, .
  14. Kulanti wacan kusoo dhawaada tebinta tooska ah oo aan idiin kuugu soo gudbinno wararkii ugu dambeeyay Soomaalida iyo Caalmka.